Home Afsomali Dowladda Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Xubno Waday Walxo Qarxa Iyo...

Dowladda Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Xubno Waday Walxo Qarxa Iyo Hub

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ay howlgal ka fuliyeen inta u dhexeeysa deegaanada Basra iyo Sabyo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa la sheegay in howlgalkaas dhacay ay ku dileen dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab, halka laba kalena gacanta lagu dhigay, in kastoo aysan soo bandhig xubnaha la tilmaamay in la qabtay.

Sidoo kale Qoraalka ay baahisay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha la qabtay ay wadeen waxyaabaha Qarxa iyo Hub, iyagoona intaas kusii daray xiligii la qabanayay xubnaha ay ku socdaalayeen inta u dhexeeysa Basra iyo Sabyo.

Si kastaba ciidamada Nabadsugida ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale howlgalo qorsheysan uga fuliyay deegaano ku yaalla halka ay iska galaan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaana xusid in halkaas ay ka dhaceen dagaal khasaaro badan dhaliyey oo Shabaabka iyo ciidanka dowladda kala gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.