Home Afsomali Dowladda oo xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo diiday ammar kasoo...

Dowladda oo xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo diiday ammar kasoo baxay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay goobaha ganacsi ee kuyaalla suuqyada magaalada Muqdisho iyo laamiyada waa weyn in ay xirtaan kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba ee loo yaqaan CCTV.

Ammarka dowladda Soomaaliya waxaa fuliyay ganacsato badan oo xirtay kaamirooyinka CCTV, halka sidoo kale jiraan ganacsato kale oo wali cabsi kaga imaaneysa Al Shabaab owgeed u xiran waayay kaamirooyinka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugida ayaa bilaabay in ay xiraan goobaha ganacsi ee fulin waayay ammarka dowladda, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen qaar kamid ah milkiilayaasha goobahaasi ganacsi.

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wajahaya caqabad xooggan oo kaga imaaneysa dhinaca dowladda iyo Al Shabaab, dowladda ayaana ku amartay ganacsatada in ay xirtaan kaamirooyinka halka Al Shabaab ganacsatada uga digtay in ay xirtaan kaamirooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.