Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan FawsiyaYuusuf Xaaji Aadam u xulatay in ay ku matasho tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028
Qoraal ka soo baxay dawladda Federaalka ayaa lagu yiri ”Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028.”