Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo ATMIS kala wareegtay xero weyn oo kutaalla Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo ATMIS kala wareegtay xero weyn oo kutaalla Muqdisho

amisom

 

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya saldhigga hore ee Maslax oo ay degnaayeen ciidamada Burundi ka socda.

Saldhiggan lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya ayaa daba socotaa fikradda wadajirka ah ee hawlgallada (CONOPs) iyo qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya oo ay soo diyaariyeen DF , ATMIS, UN iyo la-hawlgalayaasha horumarinta si ay u hagaan geeddi-socodka kala-guurka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa sheegay in xeradan la dajin doono ciidamo badan oo dibadda tababaro ugu maqan iyo kuwa kasoo laabtay, wuxuuna ku amaanay ATMIS talaabadan ay qaadeen uguna wareejiyeen xeradan.

“Waxaan uga faa’iideyseynaa qorshooyin badan dhawwaan waxaa rajeyneynaa ciidamo badan oo naga maqan tababaro inay dalka kusoo laabtaan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.

Waxa uu sheegay wasiiru dowladaha wasaarradda gaashaandhigga Soomaaliya in la wareehida xeradan muhiimad gaar ah ugu fadhiso, waxa uuna rejo ka muujiyay in ciidamada Soomaaliya si buuxda ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

“Dowladda waxay uleedahay muhiimad weyn waxayna muujineysaaa guulahaa waa weyn ee ciidamada Soomaaliyeed ay gaareen, waxaana rajeyneynaa in ciidamadeena ay ku filnaadaan ammaanka guud ee dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdinuur Daahir Fiidow

Dowladda Soomaaliya ayaa xerada Maslax dejisay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwii laga keenhay dalka Eritrea, waxaana xeradan oo kutaalla degmada Hiliwaa muhiim u tahay ciidanka Soomaaliya.

Ciidamada ATMIS ayaa hadda ku sugan xeryo kale oo kuyaalla magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana ciidankan markii uu dhammaado howlgalkooda la filayaa in amniga dalka si buuxda ula wareegaan ciidanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.