Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo bixineysa AqoonsigA dadweynaha ID si loo helo Xogta dadweynaha

Dowladda Soomaaliya oo bixineysa AqoonsigA dadweynaha ID si loo helo Xogta dadweynaha

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay Shirweynaha Qaran ee barakaca qasabka ah (National Dialogue on forced Displacement ) ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Barakacaayasha iyo sidii loo sameyn lahaa aqoonsiga dadweynaha .

Axmed Fiqi ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah siinayaan barnaamijka xal u helidda barakacayaasha iyo bulshada kale ee uu saamaynta ku yeeshay barakucu iyo sidoo kalana guud ahaan helida barnaamijka xalka waara.

Waxa uu xusay wasiirka in xallinta barakaca ay gacan ka gaysanayso in dadkaani helaan adeegga asaasiga ah ee dowladeed, qaybna ka noqdaan dimuqraadiyaynta, dib-u-dhiska dalka, nabadda, xasilloonida iyo is-dhexgalka bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu masuul ka tahay Hagidda & Hoggaaminta, Dejinta Siyaasadaha & Shuruucda, Isu-duwidda iyo Dhaqaale u raadinta arrimaha u helidda xal waara, iyadoo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Axmed Fiqi ayaana cadeeyay in wasaaraddu ay wado hawla muhiim ah oo ay ka mid yihiin arrimaha soo socda;

• Barnaamijka Xasilinta Dalka gaar ahaan deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, taasoo Wasaaraddu ay hadda daahfurtay Istaraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta.

• Diiwaangelinta Madaniga iyo Istaatistikada muhiimka ah oo dhawaan dadku ay heli doonaan aqoonsigii dadweynaha (National ID), taasoo caawinaysa in la helo xog dhammaystiran ee muwaadiniinta dalka.

• Wasaaraddu waxa ay dhawaan Golaha Xukuumadda Horgeyn doonta oo ay Wadaa Sharuuc iyo siyaasadda muhiim u ah qaxootiga iyo barakayaasha oo kala ah:

1. Hindise Sharciyeedka Qoxootiga
2. Sharciga Barakaca
3. Siyaasadda Wadajirka Bulshada (Social Cohesion Policy)

• Dib-u-heshiisiinta dalka taasoo ah mid bulsho iyo mid siyaasadeed ba gacanna ka gaysan doonta hawlaha dib-u-dejinta, isdhexgalka iyo wada-noolaanshaha barakacayaasha iyo bulshada ay la nool yihiin (IDPs and Hosting Community).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.