Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay Hay’adda NRC

Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay Hay’adda NRC

https://youtu.be/JdGMWtAy5cA

Xoghaya guud ee NRC oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen xubno sare sida madaxa hayadda ee geeska Afrika iyo Yemen Karl, madaxa xafiiska Soomaaliya Mohamed Abdi iyo Haakon Svanne oo ah ku xigeenka danjiraha Noorwey ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen Ergeyga howlaha kala duwan ee gargaarka ku aaddan ee hayadda NRC iyo safaaradda Norway.

Ergeyga oo uga mahad celiyay wafdiga gacan siinta dowladdiisa ayaa ka codsaday in ay sare u qaadaan kaalmada ay ugu taligaleen Soomaaliya iyo sidoo kale in ay kordhiyaan wax ka wabashada howlaha naf badbaadinta ah ee wax looga qabanayo gurmadka degdegga.

Waxa sidaas si la mid ah Ergeygu weydiistay wafdiga in ay dowladda ka gacan siiyaan sidii indhaha adduunka loogusoo jeedin lahaa xaaladda abaaraha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa arrinkaas ka guddoomay Ergayaga una ballanqaaday gacan siin buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.