Home Afsomali Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celinaysa Dhalinyaro Ku Xirnaa Xabsiyada...

Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celinaysa Dhalinyaro Ku Xirnaa Xabsiyada Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa 27 bishan oo bari ku beegan Dalka Dib ugu Soo Celineeysa ilaa 9 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib uga baxay dalkooda.

Dhallinyaradaan oo qaarkood Maxaabiis ahaan ay u heysteen Kooxaha Burcadda ee loo yaqaano Magafayaasha ayaa Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA  u sheegay in Dhallinyaradaan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya bari oo Talaado ah lagana soo dajindoono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xoghaye ayaa sheegay in Dhallinyaradaan oo dhivaato badan la kulnay ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaaradda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.