Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay la wareegitaanka Taalibaan ee Afganistaan

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay la wareegitaanka Taalibaan ee Afganistaan

Wasiiro Dowlaha Wasaarada waxbarashada Xukuumadda  xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) ayaa sheegay in 20 sano oo waqti iyo qarash badan lagu bixiyay dalka Afganistaan uu gacanta u galay Kooxda Taaliibaan.

Waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay dalka Afganistaan iyo  joogitaanka Ciidan Ajnabi laga barto in aysan waxba soo kordhineyn, balse ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliueed ay dowladooda garab istaagaan.

“Dadka khalafsan ee nagu dhexjira ee naga fikir duwan ee marna aan raali laga wada noqon karin in meel looga soo wada jeesto oo aqoonyahanada Soomaaliyeed ay kasii digaan baaritaana ka sameeyaan arrinta ka dhacday Afganistaan ayuu yiri’ Wasiir Jaabiri.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay tahay arrin tusaalo lagu soo qaadan karo wixii ka dhacay Afganistaan in dalkeena ku imaan karto hadii aan laga fikirin oo aan baaritaan lagu sameyn Ciidamada ay dowladda heeysato.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiiro Dowlaha Wasaarada waxbarashada Xukuumadda  xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) ayaa kusoo aadaya xilli aad loo hadal haayay waxa dhici kara hadii Ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.