Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ay saaka Al-Shabaab ku qaaday Saldhiga...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ay saaka Al-Shabaab ku qaaday Saldhiga Qaayib

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee SONNA General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay khasaaro gaarsiyeen Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday degaanka Qaayib.

Dagaalka ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Sabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka, waxaana saaka Al-Shabaab u suurto gashay inay degaanka la wareegaan wallow markii dambe dib looga qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.