Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha SOMALIYA Mr.Catriona Laing, kullanka ayaa diirada lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.
Ergayga ayaa Wakiilka Q/M ee Soomaaliya uga warbixiyay dedaalada DFS ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, waxaana uu caddeeyay in DFS ka go’an.tahah hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kale Ergayga ayaa Wakiilka uga Mahadceliyay doorka Q/M ee taageerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Wakiilka Qarada Midoobay ee Soomaaliya Mr.Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxaana ay Ergayga u muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.