Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal qorshaysan lagu dilay 20 ka tirsan...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal qorshaysan lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay howlgalo ay sameeyeen ciidamada XDS oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka, in lagu dilay 20 Shabaaab ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xaqiijiyay howlgalka, isagoo sheegay in howlgalkan uu ka dhacay duleedka degaanka Baladul Amiin ee Shabeelaha Hoose.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay isagoo uu wehlinayay Maxamed El-Amine Souef, ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (ATMIS), ayaa sheegay, weerarkaan in dowladdu u aragto muhiimad weyn oo looga hortagayo khatarta Alshabaab.

Wasiir Daa’uud Aweis waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay taageerada iskaashiga saaxiibada caalamka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dagaalamayaasha lagu dilay weerarkaan ayuu wasiirku sheegay  inay khatar weyn ku ahaayeen xasiloonida gobolka.

Wuxuu sheegay in weerarkan  uu fariin cad u yahay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.