Home Afsomali Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 30 kamid ah Shabaab lagu dilay weerarkii...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 30 kamid ah Shabaab lagu dilay weerarkii ay kusoo qaadeen Masagawaa

Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay weerar kooxda Alshabaab ay saakay waaberigii kusoo qaadeen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay, in ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay fashiliyeen weerarka ay Alshabaab ku soo qaadeen magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud, halkaas oo dhawaan laga xoreeyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Alshabaab ay si geesinimo leh uga hortageen Shabaabka weerarka soo qaaday.

Inta uu socday hawlgalka, waxay dowladdu sheegtay in aay ciidamada xoogga dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan dagaalamayaasha Shabaabka ee weerarka qaaday. Waxay kaloo dowladdu sheegtay in saddex askari oo ciidanka xoogga dalka katirsan ay dhaawacmeen.

Sidoo kale, dowladdu waxay tilmaamtay inay ciidamadu gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Alshabaab iyaga oo gubay mid kale.

Dowladdu waxay sheegtay inuu weli socdo hawlgal lagu baacsanayo sida ay sheegtay firxadka Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.