Home Afsomali Dowladda Sweden oo Puntland ka taageereysa doorashada qof & Cod

Dowladda Sweden oo Puntland ka taageereysa doorashada qof & Cod

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Masuuliyiin ka tirsan mashruuca horumarinta Degmooyinka ee JPLG.

Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Shirka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashruuca JPLG, qorshaha Puntland ee lagu ballaarinayo mashruuca iyo geeddi socodka dhammeystirka doorashada hal cod iyo hal qof ee degmooyinka Puntland.

Dowladda Sweden ayaa dhaqaale ku bixisa mashaariic kala duwan oo ka socda gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.