Home Afsomali Dowladdo islaam ah oo si weyn uga carrooday falkii foosha xumaa ee...

Dowladdo islaam ah oo si weyn uga carrooday falkii foosha xumaa ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Muslimiinta caalamka kunool qaarkood ayaa si weyn uga carrooday falkii shalay oo ciid aheyd nin kasoo jeeda dalka Ciraaq ku gubay nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka, xilli ay ilaalo ka hayeen ciidamo katirsan booliiska dalka Sweden.

Dalkan ayaana caadi ka dhigay in lagu xad-gudbo kutaabka Qur’aanka, waxaana marar badan fagaare kuyaalla dalkaasi lagu gubay nuqulo kamid ah Qur’aanka Kariimka, kaddib markii maxkamado kuyaalla dalkaasi fasaxeen in la gubi karo kutaabka Qur’aanka.

Dowladda Marooko oo ka carrootay falka lagu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden,  kadib markii  nin kitaabka Qur’aanka Kariimka ah shala ku gubay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm.

Morooko ayaa sidoo kale isla shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden u jooga Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin.

Dowladda Turkiga ayaana horey ugu diiday dalka Sweden in ay ku biiraan Gaashaanbuurta NATO , kaddib markii marar kala duwan dalkaasi lagu gubay nuqulo kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka.

https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.