Home Afsomali Aqriso Ducadii iimaam Axmed bin xambal Ilaahow ha u qaban wuxuu igu...

Aqriso Ducadii iimaam Axmed bin xambal Ilaahow ha u qaban wuxuu igu sameeyey qaadimkaas

Imaam Axmed Ibnu Xambal oo baadigoobaya ansaxnimada hal xadiith ugana soo safrey Baqdaad ayaa yimid Shaam, kadibna wuxuu soo galey masjid si uu ugu cibaadeysto uguna negaado habeenkas maadaama uusan cidina ka garaneyn magaalada.

Qaadimkii masjidka ayaa yimid una sheegey inuu ka baxo masjidka maadaama xili dambe ay tahay oo la xirayo.

Imaamka ku yiri qaadimkii waxaan ahay musaafur ee ii dulqaado balse qaadimkii wuu diidey weliba xoog uga soo saarey masjidka isagoo weliba canaan u raaciyey. Imaamku isuma sheegin qofka uu yahay isagoo ka baqaya in naftiisa uu kibir galo caanimadiisa aawadeed waayo wuxuu ahaa qof meel walba cilmigiisu gaarey–wuxuuna yiri markuuu xaalku halkaa marayo

“Ilaahow ha u qaban wuxuu igu sameeyey qaadimkaas”

wuuna ka dhaqaaqey.
Nin dusha ka arkayay ayaa kusoo baxay una soo kaxeeyey gurigiisa si uu u seexdo. Wuxuu weydiiyey “ninka sidaas kuu galey misana u duceysey cajib”-

Imaamka wuxuu ku jawaabey

“waa dhaqankii Rasuulka SCW in kuwa ku xumeeya la cafiyo loona duceeyo, oo waa tuu dhihi jirey Ilaahow u dembi dhaaf qoomkeyga waa kuwo aan wax ogeyne” .

Ninkii wuu martigeliyey oo siiyey meeluu seexdo imaamka isagoo la yaaban sabarka iyo wanaagga ka buuxa.

Saq dhexe ayuu ninkii Salaatuleel u kacey oo bilaabey inuu duceysto imaamkuna wuxuu kusoo kaxey codkiisa wuuna soo dul istaagey ninkii oo duco walba ka hor marinaya Istaqfurulaah wuuna la yaabey arintaas oo ku cusbeyd!.

Markuu dhameystey ayuu weydiiyey sababta istiqfaarta uga hormarinayo ducada ninkiina wuxuu ku yiri

“waa siree makula wadaagaa? imaamkii ayaa yiri haa, wuxuu yiri duco majirto nocaan ah oo aan Allaah weydiistey illaa wuu iga aqbaley marka laga reebo hal duco, oo maxay tahay halkaas duco ayuu weydiiyey Imaamka?.

Ninkii wuxuu yiri Ilaahey waxaan weydiistaa in maalin uun la kulmo Imaam Axmed Ibnu Xambal oo faafintiisa cilmiga Islaamka wax badan ka bartey welina ducadaas la igama ajiibin.

Imaamka ayaa intuu yaabey oo ilmeeyey ninkii ku yiri “Hadaba ducadaas caawa Ilaahey wuu kaa aqbaley oo ninkan aad martigelisaye wanaajisey ee ku hor taagan waa Imaam Axmed ibnu Xambal,

waxaan anigana kaa bartey in duco walba aan ka hormariyo istiqfaarta hadda kadib. Ninkii ayaa ooyey oo gacmaha kor u taagey isagoo Ilaahey uga mahad celinaya ducadiisa uu ka ajiibey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.