Qarax culus iyo is-rasaaseyn ka dambeysay oo sababtay in lasoo afjaro xubno Shabaab ah ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Al-barako ee degmada Hodan.
Al-Shabaab ayaa qarxisay tukaan lagu iibiyo qalabka gaadiidka oo ku yaalla Isgoyska Al-barako, kadib markii ganacsatada iska leh tukaankaas ay xirteen kaamirooyinka CCTV oo dolwaddu ay ku amartay.
Qaraxa kadib, ciidamada ammaanka ayaa baacsaday kooxdii qarxisay tukaanka oo wadatay Mooto Bajaaj.
Waxay ahaayeen seddax nin, sidoo kale mootadu waxay siday qarax kale, kaas oo fududeeyey in lasoo afjaro kooxdaas, kadib markii uu ayaga ku qarxay.
Kooxda ayaa isku dayday inay iska difaacdo ciidamada, waxay wateen labo bistooladood, mid ayaa la toogtay, midna waxaa la qabtay isaga oo dhaawac ah, halka kii waday mootada uu isku dayey inuu baxsado.
Rasaas badan oo lagu furay kadib, waxaa qaraxday mootadii, waxaana ku gubtay ninkii waday.