Home Afsomali Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Hiiraan

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degaanka Mukeeyle ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka halkaasi ay ka dhacday duweyn xoogan igo howlgallo ay fuliyeen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Burde ayaa Risaala u sheegay in duqeymaha lala beegsaday dhul howd ah oo ay isku aruursanayeen dagaamayaal katirsan Al-Shabaab, isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyay.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in lagu  beegsaday Garaash kuyaalla degaanka Mukeyle, isla markaana lagu burburiyay Gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, wallow aysan bixin faah faahino dheeraad ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Mukeyga ayaa sheegaya in duleedka degaankaas ay howlgallo xoogan ka wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.