Home Afsomali Duqeyn goordhow ka dhacday Gobolka Mudug & Khasaaro ka dhashay

Duqeyn goordhow ka dhacday Gobolka Mudug & Khasaaro ka dhashay

Diyaarado dagaal ayaa Barqanimadii Maanta waxaa duqeyn xoogan ka geysteen degaano hoostaga Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Somaliyeed ay hawlgal lagu ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen Degaannada  Miiroon iyo baraag ismaaciil oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu sheegay in duqeynta ka dhacday degannadaas lagu dilaa ilaa 20 dagaalame oo katirsan Ururka Al-Shabaab ,kuwaas oo isku abaabulayay degaannada Miiroon iyo baraag ismaaciil si ay weeraro u geystaan.

Ugu dambeyn  Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga saarayo guud ahaan Soomaaliya.

Previous articleCiidamada dib u xureynta deegaanka oo burburiyay Saldhigii Al-shabaab ee Tuulada Ceelgorof
Next articleShirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.