Home Afsomali Duuliyaashii Ruushka ee soo riday diyaaradii Mareykanka oo Abaal marin la siiyay

Duuliyaashii Ruushka ee soo riday diyaaradii Mareykanka oo Abaal marin la siiyay

Wasiirka Difaaca ee dalka Raashiya, Sergei Kuzhugetovich Shoigu waxa uu maanta oo Jimco ah Abaalmarin Dowladeed guddoonsiiyey Labadii Duuliye ee Diyaaradaha Dagaalka ee Sukhoi-27 ee dhawaan soo riday Diyaaradii Drone-ka ee MQ-9 Reaper oo ay Ciiddanka Cirka Maraykanka lahaayeen.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Raashiya ayaa lagu sheegay inuu Wasiirku soo bandhigay Abaalmarinada Dowladeed ee la guddoonsiiyey Labada Duuliye ee ka hor tegay Diyaarada Drone-ka ee Maraykanka lahaa ee MQ-9 ee ku soo xadgudbtay Deegaanka ka caagan Duullimaadyada ee Raashiya u samaysay Colaadda Ukraine.

Qoraalka Wasaaradda Difaaca Raashiya wax Faahfaahin ah kama bixinin Xogta Shaqsiyadeed ee Labada Duuliye, lamana soo bandhigin nooca Abaalmarinta ay heleen.

Si kastaba Talaadadii la soo dhaafay ayey Diyaaradaha Dagaalka Raashiya ee Sukhoi-27 ayaa waxay Diyaaradda Drone-ka ku burburiyeen Hawada Sare ee Badda Black Sea.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay ku eedeysay Duulliyaasha Raashiya inay ku dhaqmeen Tallaabooyin aan Ammaan iyo Xirfad lahayn, isla markaana ay Diyaaradda Drone-ka ee MQ-9 Reaper ku daadiyeen Shidaal, ka hor intaysan Diyaaradda Drone-ka ku hoobanin Badda Black Sea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.