Home Afsomali Duuliye sare asli xasan cabaade oo u soo tacsiyadeyneysa, qoyskii,...

Duuliye sare asli xasan cabaade oo u soo tacsiyadeyneysa, qoyskii, eheladii iyo qarankii uu ka tagay generaal marxuum cabdiraxmaan khaliif dhicis. iyo Taariikh nololeydkiisa oo kooban

.

 

Taariikhda Gen. C/Raxmaan Khaliif (Dhicis) oo kooban:

(General) Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis oo ka mid noqday dadki lagu xasuuqay qaraxii Sabtigii  maqribnimo ka dhacay (Hotel) Naasa-Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho, (General) Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay agaagaarka Degmada (Dig) ee Gobolka Jaraareed ee DDSI 1938 kii, wuxuu Quraanka ku bartay isla Deegaankaas, wuxuu isagoo Dhallinyaro ah tegay Caasimadda Muqdisho oo waxbarashadiisii ka sii watay, wuxuuna isagoo Baasaboor wata 1958 kii u tacabbiray  Dalka Masar, isago sii maray Dalka Suudaan .

Dalka Masar wuxu ka galay Dugsi-Sare.

1961 kii wuxuu galay Kulliyadda Dagaalka ee Dalka Ciraaq.

Sannadkii 1963 kii wuxuu noqday Sarkaal, wuxuuna         yimid Soomaaliya isago ku biiray X.D.S.

Wuxuu ka soo shaqeeyay oo uu soo qabtay xilal badan oo kala duwan sida: Taliye horin, Taliye Urur, Guddoomiye Degmo, iyo Guddoomiye Gobol.

1975 wuxuu yimid Kulliyadda Ciidammada Jaalle Siyaad, oo uu  Taliye ku xigeenka Abbaanduulka iyo Taliye ku xigeenka Siyaasadda ka noqday.

Sannad kii 1976 kii isagoo G/le Sare ah waxaa loo magacaabay Taliyaha Kulliyadda Jaalle Siyaad, xilkaas oo uu muddo dheer hayey. 1980 kii waxa loo magacaabay Taliyaha Gaaska 7aad ee Xuddur, hal sano kaddib, waxaa mar laabaad loo soo magacaabay Taliyaha kulliyadda Jaalle Siyaad. 1984 -1985 kii waxuu ka mid noqday Saraakiil Sare oo Tababbar loogu diray Akadeemiyada Sare ee Istaraateejiyada iyo Cilmi-Baarista ee Dalka Masar.

(General) Cabdiraxmaan wuxuu 1987-1989 kii noqday Taliyaha Qaybta 21aad ee X.D.S.

1989 kii ilaa Burburkiina wuxuu ahaa Madaxa Hoggaanka-Guud ee Sahanka iyo Nabadgelyada ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Burburkii kaddib, wuxuu ku noolaa Dalka (Canada).

Dhowr jeer ayuu booqasho ku tagay (DDSI) isagoo kaalin mug leh ka qaatay Nabadeynta iyo Horumarinta Deegaanka oo uu dhowr bilood ka hor joogay.

Haddaba waxaan halkan

Tacsi Tiiraanyo iyo murugaba leh uga soo wada direynaa Qof kasta oo yaqaannay, si gaar ah waxaan u tacsiyeynayaa Qoyskiisii oo ay ugu horreyso Xaaskiisii Habaryarteen, Khadra Dhagaweyne, sido kale dhammaan Carruurtiisii  Wiilal iyo Gabdhaba, sidoo kale Ehelka, Qaraabada iyo Saaxiibbadaba.

Annagoo Marxuumka Ilaahay (s.w.t.) Dambi- Dhaaf u weydiineyna, kana waraabiyo Jannatul-Firdawsal-Aclaa, aamiin.

Dhammaanteen Sabur iyo iimaan Allaaha Awoodda badan haynaga  siiyo, aamiin.

Ma Dhinte Waa Allaah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.