Home Afsomali Ehellada Mukhtaar Roobow oo ku gacan seyray warka kasoo yeeray NISA

Ehellada Mukhtaar Roobow oo ku gacan seyray warka kasoo yeeray NISA

Ehelada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku gacan sayray xog ku jirtay warqad ay soo saartay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu sheegay inuu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadaana ay booqdaan sidoo kaleba uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro, amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

Hasayeeshee Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow ayaa ku doodaya in muddo saddex sanadood ah aanay indhaha saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisana ay ka walwalsan yihiin.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’addu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.