Home Afsomali Erdogan oo sharuud kale ku xiray Finland & Sweden si ay NATO...

Erdogan oo sharuud kale ku xiray Finland & Sweden si ay NATO ugu biiraan

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in aqbalitaankii Finland iyo Sweden ee NATO aan weli si toos ah loo dammaanad qaadin.

Erdogan waxaa sheegay in taasi ay ku xiran tahay sida ay labadan dal u fuliyaan  ballankii ay la galeen xukuumadda Ankara.

Isagoo ka hadlayay magaalada Madrid, gabagabadii  shir madaxeedka Gaashaanbuurta NATO, ayuu Erdogan sheegay in baarlamaanka Turkiga uusan ansixin doonin codsiyada wadamada Waqooyiga Yurub ilaa ay marka hore muujiyaan midnimada Ankara iyagoo weliba ficil ahaan u sameynaya oo aanan hadal keliya Meesha looga baahnayn.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda

Previous articleLive xaflada dabaaldaga sanadguurada 62aad maalintii isku darka laga gobol ee waqooyiga iyo koofurta
Next articleXuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.