Home Afsomali Ergada Beesha Cabdale uga qeybgaleysa Doorasahda Cadaado oo sagootin loogu sameeyey Xamar...

Ergada Beesha Cabdale uga qeybgaleysa Doorasahda Cadaado oo sagootin loogu sameeyey Xamar ( DAAWO SAWIRADA )

Musharax Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin ayaa Munaasibad lagu sagootinayey Ergada beesha Cabdalle Sabti oo katirsan beelweynta murusade ama karanle hawiye uga qeybgaleysa dorashada iyo Soo xulista Xildhibaanada ee aadaysa dagmada caadaado ugu sameysay magaalada Muqdisho.

Kulanka sagootinta ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin ka socotay mamulka Gobolka banaadir Maamul Goboleydka Galmudug State Odoyaal Waxgarad culumaaudiin siyaasiyiin salaadiin nabadoono  ganacsato qeybaha bulshada rayidka ururka dhalinyarada beesha cabdalle sabti iyo ururka haweenka beesha Cabdale masuuliyiin iyo martisharaf kale oo munaasibada lagu casuumay .

Kulnka oo ahaa qado sharaf lagu sagootinayey ergada beesha uga qeybgalaysa shirka cadaado ee doorashada soo xulista xildhibaanada baarlamaanka soo socda 2016-2020 ayaa dadkii ka hadlay madasha waxaa ay ku dheeraadeen ka hadalka qaabkii beeshu wax ula qeybsan laheyd beelaha kale ee Soomaaliyeed .

Dhamaan masuliyiintii qudbooyinka ka jeediyey ayaa bogaadiyey Musharax Xildhibaan Garyaqaan Maryan cariif qaasin waxayna sharaxaad dheer ka bixiyeen sida ay ugu kalsoon yihiin uguna faraxsan yihiin in ay uga mid noqoto xildhibaanada qaran ee Baarlamaanka soo socda

Gudoomiye ku Xigeenka maamulka dowlada ee dagmada dayniile iyo wasiir ku xigeenka caafimaad galmudug State oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada garyaqaan Maryar Cariif Qaasin waxayna sheegeen in ay tahay qof lagu aamino karo xilka xildhibaan aqoonteeda ay leedahay,Waxayna u rejeeyeen guul iyo in ay xilka wax ugu qabato bulshada Soomaaliyeed .

Gabagabadii xaflada waxaa soo  xirtay garyaqaan maryan cariif qaasin oo ku dheeraatay ka hadalka mahadcelinta ka sokow balanqaadyada iyo waxqabadkeedii hore iyo midka Mustaqbalka soo socda .

Drs maryan cariif ayaa xustay in ay cid kasta xaq u leedahay in la doorto waxna ay doorato ayna tahay qof ka soo bixi karta xilka ay u tartameyso ee ka mid noqoshada baarlamaanka soo socda .

Musharax Xildhibaan qaran maryan cariif ayaa waxaa ay ka mid tahay musharaxiinta ugu cad cad ee Beesha cabdale sabti waxayna balan qaaday mark laga sootago wax qabadkeedii hore in ay ka shaqeyndoonto wax u qabashada iyo mideynta beesha cabdale sabti

beesha-cabdalle-1 beesha-cabdalle-2 beesha-cabdalle-1 beesha-cabdalle-2 beesha-cabdalle-3 beesha-cabdalle-4 beesha-cabdalle-5 beesha-cabdalle-6 beesha-cabdalle-7 beesha-cabdalle-12 beesha-cabdalle-13 beesha-cabdalle-14 beesha-cabdalle-15 beesha-cabdalle-16 beesha-cabdalle-17 beesha-cabdalle-3 beesha-cabdalle-4 beesha-cabdalle-5 beesha-cabdalle-6 beesha-cabdalle-7 beesha-cabdalle-8 beesha-cabdalle-9 beesha-cabdalle-10 beesha-cabdalle-11 beesha-cabdalle-14 beesha-cabdalle-15 beesha-cabdalle-16 beesha-cabdalle-17

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.