Home Afsomali Ergayga Gaar ah ee wada-hadallada Somaliland oo ku wajahan dowlad Goboleedyada

Ergayga Gaar ah ee wada-hadallada Somaliland oo ku wajahan dowlad Goboleedyada

Waxaa lagu wadaa in Maalmaha soo socda uu booqasho ku tago degaannada dowlad Goboleedyada kajira dalka Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergayga ayaa kullan horudhac u ah Qorshaha talo wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor-Qoor).

Ujeedada safarka uu dowlad Goboleedyada ku tagayo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay inay tahay in uu dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulada ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Dhawaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kasoo horjeestay Magacaabista Cadikariin Guuleed, isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay hannaanka ay u wajahday colaada magaalada laas-Caanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.