Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo booqashadeedii ugu horraysay ku timid magaalada Garowe ee Puntland ayaa madaxweynaha Puntland kala hadashay arrimo ay kamid yihiin, sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maqlo sida cad ee ay madaxweynaha uga go’an tahay wadahadalka, sidoo kalena doorkiisa ka qaadan doono unkidda iyo dhamaystirka Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka,” ayay tiri Marwo Catriona.
Ergayga Qaramada Midoobay waxay madaxweynaha Puntland uga mahad galisay qabashada doorashadii qof iyo cod ee dhacday 15kii bishii May ee lasoo dhaafay. Waxay kaloo sheegtay inay soo dhoweynayaan in la dhameystiro saddexda degmo ee doorashada ka haray.
Waxay sidoo kale Puntland ku bogaadisay soo dhowaynta dadkii kasoo barakacay colaadda magaalada Laascaanood ee Garowe yimid.