Home Afsomali Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada.
Kulankaan waxaa kasoo qaybgalay oo goobjoog u ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culimadda, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo colka argagexisada.
Ergeyga gaarka ah ayaa jaaliyadda magaalada Toronto ku dhiirrageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada.
Ergeygu wuxuu sidoo kale jaaliyadda ku boorriyey In ay dawladda Canada culays ku saaraan in ay kordhiso deeqda gurmadka abaaraha ee Soomaaliya siiso.
Ugu dambayn, Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Ergeyga gaarka ah taas oo ku aaddan halganka uu ugu jiro u qareemidda bulshada Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.