Home Afsomali Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan oo soo gaaray magaalada...

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan oo soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan oo soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kulan la qaatay
madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Labadda dhinac ayaa kawada hadlay arimo ay kamidyihiin dhismaha dawladnimada, amniga, abaaraha iyo taageerada Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa wefdiga kala hadlay Abaaraha darran ee ka jira degaanadda Galmudug.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa dhankiisa xusay inay sii wadayaan gargaarka bini’aadantinimo iyo u doodista taageero caalami ah oo dheeraad ah si loo yareeyo xaaladda abaareed ee ka jirta Galmudug loogana hortago Macaluul ka dhacda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.