Home Afsomali Ethiopia hadaanay jabin Jugbaa gaartay iyo taalooyin ka burburiyay fanaankiina hadeerkii ayaa...

Ethiopia hadaanay jabin Jugbaa gaartay iyo taalooyin ka burburiyay fanaankiina hadeerkii ayaa la dilay

 

Wixii maanta ka horeeyay Haile selassie wuu noolaa, wuxuuna kujiray quluub u khushuucda iyo indho arka marwalba.

Wuxuu taariikh kuyeeshay inuu dulmi aan laga sookabanin gaadhsiiyay Soomaali, Oromo iyo qoomiyado kale oo badan kuwaasoo uu dusha kasaaray kuna dul koriyay qoomiyada Xabashida.

Cadho gaamurtay iyo ciil raagay baa fasaxay in garaadka nooli kafikiro taariikhda dhabta ah ee taalada Haile uga taagan tahay magaalada ladooriyay ee la dhaxal wareejiyay ee Finfini loona garan ogyahay Addis Ababa.

Dunida maanta oo caragadismatay banaankana soodhigtay xoog hoosta ku hanaqaaday iyo awood gabawday oo liciiftay ayaa si itaaleh isugu dheerariyay taariikhda la bacrimiyay een sal iyo raad toona lahayn,
waxaana dhulka lala simay muuqaaladii xasuusta beeri jiray ee fajiistayaashi Geeska Afrika dunida kareebay.

Inkasta oo dadbadani dhinteen waxay doorsadeen inay dulmi waaray soo afjaraan cidii soo hadhana ay kunaalooto dhiiga maanta daadanaya.

Abiye Axmed wuxuu u danbeeyaa dadkii aaminsanaa in lakala sareeyo boqortooyada xabashiduna ay tahay mid aan liicin wuxuuna u haystaa arintaa caqiido ahaan ku guntan qalbigiisa.

Kahortagista nidaamka uu hormuudka kayahay iyo burburinta fikirka isku dulnoolaansha ku salaysan waxay daliil u tahay inuu jiro jiil nool oon dabar iyo keeno ugu jirin jahligii iyo faqrigii qalbiga ahaa ee qarniyo badan dadka soo dulsaaraa.

Inta uu jiro dulmi dharla’ waxaa jiraya dhiiraraan aan gabanaynin, way raagi kartaa balse ma raarmi karto.

Dulmanugu ha guul helo.
Guusha Gobanimoodkaa leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.