Home Afsomali Ethiopia oo ciidamo Hor leh galisay gayiga Soomaaliya

Ethiopia oo ciidamo Hor leh galisay gayiga Soomaaliya

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegayaa in qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee Xad beenaadka Etoobiya ay ka soo gudbeen ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya.

Dadka ku nool Gobolka Gedo ayaa waxa ay  sheegeen in ciidamadaan ay wataan Gaadiidka dagaalka isla markaana ay ka soo talaabeen Xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Ciidamadaan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab isla markaana ay jawaab u yihiin dagaalkii u iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaan la ogeyn halka ay howlgalka ka bilaabi doonaan balse waxa ay jawaab u yihiin booqashadii Madaxweyne Farmaajo uu ku tegay dalkaas ee uu ku dalbaday in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.