Home Afsomali Ethiopia oo gudaha ciida Somaliya soo galisay ciidankii ugu tirada badnaa kana...

Ethiopia oo gudaha ciida Somaliya soo galisay ciidankii ugu tirada badnaa kana kasoo gudbay xadka beenaadka labada dal 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ay gobolka soo gaareen ciidamo horleh oo Itoobiyaan ah oo kasoo talaabay xadka Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa 24 kii saac ee lasoo dhaafay waxa ay dhaq-dhaqaaq ka bilaabeen aagga degmada Doolow, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Siyaasi Maxamed Aadan Rukow oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada soo gudbay ay wataan gaadiidka dagaal iyo diyaarado Helicopter ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaan aysan ahayn kuwii hore u joogay deegaanka, ayna isku balaariyeen deegaanadda hoos yimaada degmada Doolow.

Gobolka Gedo ayaa waxaa horay u joogay ciidamo Itoobiyaan ah, balse dadka ayaa hadda aad isku waydiinaya ciidamadan cusub ee kusoo qul-qulaya gobolka, xilli ay jirto xiisadda bada ee haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.