Home Afsomali Ethiopia oo Qorsheyneyso in Afka Somaliga lagu daro Afafka dalkeeda ...

Ethiopia oo Qorsheyneyso in Afka Somaliga lagu daro Afafka dalkeeda looga hadlo

Golaha wasiirrada dalka Itoobiya ayaa diyaariyey qaraar qabya ah oo lagu kordhinayo afafka dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya ay ku shaqeyso.

Shirka 80-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada dalkaasi Itoobiya waxaa lagaga hadlay qaraarka qabyada ee horumarinta adeegsiga afafka cusub ee uu horay golaha wasirrada u go’aamiyey.

Dowladda dhexe ee Itoobiya waxay horay ugu shaqeyn jirtay afka Amxaariga hase yeeshee golaha wasiirrada ayaa wuxuu hadda ka hor uu soo jeediyey in afaf kale oo ay ku hadlaan deegaannada dalka Itoobiya ugu waaweyn uu Af-Soomaaligu ka mid yahay.

Waxayna golaha wasiirradu u sababeeyeen si dalka uu u noqdo dal dhan walba ay shucuubtiisu ka mideysan yihiin luuqadda dowadda dhexe oo horay ugu ku koobneyd Amxaari in lagu daro afaf kale oo uu Af-Soomaaliga ka mid yahay.

Luuqadaha oo waddanka loo isticmaalo ka sokoow waxay faa’ido u leeyihiin xiriirinta iyo isdhex galka dalalka kale ee Itoobiya deriska la ah ee afafkaasi ku hadla.

Maadaamaa ay afafka la doonayo iney dowladda dhexe afka Amxaariga ee ay ku shaqeyneysay lagu kordhiyo ee ay ka midka Yihiin Af-Soomaaliga, Af-Orormo iyo Af-Cafarta looga hadlo waddamada Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Wuxuuna golaha wasiirradu sheegay afarta luuqadood ee ay dooneyso iney dowladda dhexe Itoobiya ku shaqeyso inaan wixi hadda ka horreeyey sidi la rabay loo hormarin balse ay deegaannada afafkaasi looga hadlo ay soo adeegsanayeen tani iyo dowladdi kala guurka.

Qowmiyadaha dhexdoodana waxay ka abuureysaa iney qowmiyad walba afka iyo dhaqanka qowmiyadda kale ay wax badan ka barato iyo hab noolaleedka bulshadaasi ay leedahay.

Afarta afna waxaa lagu soo xushay tirada dadka ku hadla, deegaanka looga hadlo iyo xiriirka uu la leeyahay bulshooyinka ku nool waddamada Itoobiya dariska la ah ee Afafkaasi ku hadla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.