Home Afsomali Ethiopian Airline begins flights to Mogadishu and Addis Ababa Ethiopian Airline oo...

Ethiopian Airline begins flights to Mogadishu and Addis Ababa Ethiopian Airline oo Duulimaadka Muqdisho & Addis Ababa bilaabaysa

Duullimaadkan oo noqon doona mid ganacsi (Commerical Flights) ayaa sida aan xogta hoose ku helnay ay diyaaradda Itoobiya toddobaadka dambe ku imaan doontaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Diyaaradda Itoobiya waxa ay saddex maalin toddobaadkii isaga kala gooshi doontaa Addis Ababa iyo Muqdisgo sida uu sheegay Xuseen Xoosh oo ah maamulaha diyaaradda.

Soomaaliya waxa ay joojisay duullimaadyadii ganacsi ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Addis Ababa markii uu qarxay dagaalkii 1977 ee ay labada dal foodda isugu dareen Soomaali Galbeed.

Diyaaradda Itoobiya sidoo kale waxa ay Soomaalida u fududeyn doontaa safarashada ay wadamada kale ku tagayaan.

Hadda, safarleyda Soomaalida waxa ay ku xiran yihiin diyaaradda Turkish Airline iyo duulimaadyada Nairobi si ay ugu gudbaan Europe iyo waqooyiga America.

“Go’aankan ayaa yimi kaddib markii ay ganacsata Soomaaliyeed ka codsadeen dowladda Itoobiya,” ayaa Xoosh laga soo xigtay.

2015kii, Diyaarad laga leeyahay Itoobiya ayaa duullimaadyo ka bilowday maamul gobolleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.