Haweeneydii u horeysay ayaa loo magacaabay xilka Agaasime kuxigeenka Villa Somalia, iyadoo magacaabidan ay qeyb ka tahay is bedel cusub oo dhowaan lagu sameeyay Hoggaanka Guud ee Madaxtooyada.
Aamina Saciid oo horay u soo noqotay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasime kuxigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyada, iyadoo bedelay Agaasime kuxigeenkii xilkan hayay muddo labo todobaad.
Ms Aamina oo aqoon u leh dhanka maamulka ayaa waxay kuxigeen u noqoneysa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo dhamaadkii bishii hore xilkan loo magacaabay, isagoo bedelay Abuukar Baalle.
Magacaabideeda ma saameyneyso Agaasime kuxigeenka labaad Mr C/risaaq Shoole oo noqday ninka kaliya ee ka haray labadii Agaasime ee horay loo bedelay, waxaase ninkan la sheegaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka aadka ugu xooggan Madaxtooyada.
Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Aamina Saciid ayaa xilka la wareegtay, waxayna tani soo afjareysa xaalad kala guur ah oo Madaxtooyada ku jirtay mudadii saddexdii bilood ee uu xafiiska joogay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo saddex agaasime ay mudadaas ku yeelatay Madaxtooyada.
Waa Markii u horeysay ee Haweeney ka noqotay Agaasime kuxigeen Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna tani muujineysa ahmiyada gaarka ah ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay siisay Haweenka, kaddib markii xubno badan oo Wasiiro ku yeesheen Xukuumadda, halka Gobolka Banaadirna ay kuxigeen, Xoghaye Guud iyo 5 Guddoomiye degmo ay ka heleen Haweenka.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view