Gobolka Saskatchewan ee dalka Canada ayaa waxaa ka dhacay laba weerar oo loo adeegsaday toorray, waxaana dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.