Home Afsomali Faah faahin:- Dagaal dhexmaray Ciidamada ATMIS & Al-Shabaab

Faah faahin:- Dagaal dhexmaray Ciidamada ATMIS & Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal xoogan ku dhexmaray meelo kamid ah degmadaas Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada ATMIS ku leeyihiin Buundada degmada Afgooye, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay inay maqlayeen intii uu dagaalka socday hubka waaweyn oo ay ridayeen Ciidamada ATMIS, balse ma sheegin khasaaro kasoo gaaray dadka Shacabka.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa saaka ah mid degan, waxaana warar kale aan heleyno ay sheegay in xalay sidoo kale Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen xaafadaha Mukeyga iyo Haanta dheere ee degmada Afgooye kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.