Home Afsomali Faah faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Faah faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray mas’uuliyiin iyo Shacab.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegeen in Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu weeraray fariisin Ciidamada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan kuleeyihiin Magaalada Halgan, waxaana dadka inay qaraxaasi ku dhinteen la xaqiijiyay Talihihii CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxaa jira dad Shacab ah oo waxyeelo qaraa kasoo gaaray, sidoo kalena Goobo Ganacsi oo dad Shacba ah ay leeyihiin ay ku burbureen qaraxa, kaas oo siwyen looga maqlay xaafadaha Magaalada Halgan.

Wararka kale ee la helaya ayaa sheegaya in gaariga ka hor inta uusan qarxin ay Ciidamada kor ka arkeen kadibna ay rasaaseeyeen sidaasna uu ku qarxay, waxaana goobtii qaraxa ka dhacay la wareegay Ciidamo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.