Home Afsomali Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadka shacabka ah, marka laga tago dhinacyada dagaaalamaya.

Khasaaraha ugu weyn ee warbaahintu ay tebinayso ayaa ah, geerida 7 carruur ah iyo hooyadood oo iyaga oo ku sugan hoygooda uu haleelay mid kamid ah madaafiicda ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamaya.

Dhacdadan ayaa kamid ahayd dhacdooyinkii naxdin lahaa ee lagasoo tebiyay magaalada Laascaanood, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal aad u xooggan oo sababay dhimashada taboneeyo qof iyo dhaawac intaas kasii badan.

Dadkii magaalada horey ugu sugnaa ayaa kasii baracakaya guryahooda, kadib markii hoobiyayaal ay kusoo dhaceen xaafadaha qaar, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo burbur ah.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa midba midka kale ku eedeynaya masuuliyadda dagaalka.

Dagaalka ayaa kusoo aaday kadib markii maanta isimada SSC ay shaaciyeen go’aano masiiri ah oo kasoo baxay shirkii maalmahan uga socday magaalada Laascaanood.

Waxay sheegeen inay gobolada SSC hadda kadib ka tirsan yihiin oo ay hoos imaanayaan Dowladda federalka Soomaaliyeed, laguna xukumidoono dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa ka hortimid go’aanadan, iyadoo garaadada shirsan ku tilmaamtay nabad diid ka shaqeynaya hurinta colaadda gobolka Sool.

Iskusoo wada duuboo, weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda Laascaanood. Isbitaalada ayaa la gaarsiiyay tiro badan oo maydad iyo dhaawac ah.

Saraakiil labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.