Home Afsomali Faahfaahinta sida loo dilay macallin dugsi quraan iyo ardaydiisa

Faahfaahinta sida loo dilay macallin dugsi quraan iyo ardaydiisa

Axmed Macalin Maxamuud oo la dhashay Macalin Mukhtaar Macallin Maxmuud oo isaga iyo ardaydiisa oo la socday shalay lagu dilay deegaanka Xaaji Cali oo tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabelada Dhexe ayaa sheegay in deegaanada ay argagax ku abuurtay geeridaasi.

Waraysi uu siiyey BBC-da ayuu Axmed xusay in walaalkiis la dilay isagoo colaadda ka jirta deegaankiisii awgeed ugu baxsanayey deegaan kale, halkaas oo ay kooxda jidka u galeen.

“Wuxuu ahaa 34 sano jir, dugsiga quraanka ee uu macalinka ka ahaana waxaa dhiganayey ilaa 60 arday oo halkaas quraanka ku barayey, wuxuu kaloo haystay goob ganacsi oo yar oo ay u yaaleen wax aan sidaasi u badnayn oo alaab ah” ayuu yiri Axmed Macalin.

Wuxuu intaa ku daray in Dugsiga Quraanka uu macalinka Mukhtaar ka noqday todobo ilaa sideed sano ka hor kaas oo uu ku wareejiyey aabihiis oo hore Macalin dugsiga uga ahaa balse waayeelnimo darteed uga fariistay.

Dilka macalinka iyo ardayda la socotay ayaa deegaanka ka dhex abuurtay dareen xoog leh iyo sida aanooyinka qabiilku aysan u ixtiraamin dadka birma gaydadaa.

“Argagax ayey nagu abuurtay dhacdadan, waxayna noqotay wax aan la qaadan karin waayo iyagu cidna danbi kama galin, kaliya waxaa loo dilay aano qabiil” ayuu intaas raaciyey.

Axmed ayaa sheegay in deegaanka ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo dhibaato weyn ku haysa dadka deggan deegaanadaasi.

Wasiirka dib u heshiinta iyo nabadaynta Maamulka Hirshabeele Cabdilaahi Maxamed Cumar (Cabdullaahi Cadde) ayaa sheegay inay dhacdooyinkaas ay yihiin kuwa xitaa kuwa dagaalamaya aysan garayn waxay isku dilayaan.

Cabdilaahi Cadde wuxuu tilmaamay in gacan saddexaad ay ku jirto colaadan qabaa’ilka oo ay hurinayso, isagoo la xidhiidhiyey inay Al-shabaab qayb ka yihiin maadaama sida uu xusay mudo 15 sano maamulayeen deeganadaas intaan laga saarin.

Dilalka aargoosiga iyo aanooyinka qabiilka ee ka taagan Gobolka Shabellada Dhexe ayaa gaarsiisan in kooxaha hubaysan ay gubeen guryo ay shacabka daganayeen ayna bartlimaameedsadeen dad ku safraya wadooyinka iyo xoolo dhaqatadaba.

Dagaaladan ka taagan Shabeelaha Dhexe ayaa mudo ka socday deegaanadaas walow aysan si dhamaystiran u guulaysan dadaalo nabadeed oo ay siyaasiyin iyo odayaal dhaqan hormuud ka ahaayeen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay waheliyaan Duubab dhaqan, Xildhibaano iyo maamulka Hirshabeelle ayaa muddo u gogol fadhiyey gobolkaas in la soo afjaro colaadaas.

War maanta ka soo baxay Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ku tilmamay dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee dagaalada qabiilka ee Shabelada dhexe wax laga xumaado

“Waxaa nasiib darro wayn ah in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan, lana daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lagu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed” ayuu ku yiri Shiikh Shariif qoraal la soo dhigay bartiisa Facebook.

Qoraalka ayaa la sii raaciyey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu sii laba jibbaari doonno dadaalladii uu horey u waday ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa-laabtay deegaanka.

Hirshabeelle ayaa tilmaantay inay qaadeen talaabo kasta oo lagu joojinayo colaada qabaa’ilka ee ka taagan deegaanada hoos taga degmada Cadale ayna sii wadayaan dadaalka lagu soo afjaryo arintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.