Maalin maalmaha ka mid ah nin ayaa wuxuu la safray xaaskiisa iyo carruurtiisa gaari ayeyna kaxeysteen dabeedna intii ay jidka socdeen ayaa waxay la kulmeen nin jidka taagan waxayna ku yiraahdeen kumaad ahayd?
Wuxuu yiri aniga lacag ayaan ahay! wuxuu weydiiyey xaaskiisa iyo carruurtiisa ma ka tagnaa mise waan qaadnaa? kulligood waxay yiraahdeen Alla! aabbow noo qaad lacagta ayaa noo soo suurta gelinaysa inaan wax walbo samayn oo aan wax walbo helnee! wuu soo qaaday.
Baabuurkii wuu socday waxay soo mareen nin kale oo taagan waddada waxayna ku yiraahdeen kumaad ahayd? wuxuu yiri waxaan ahay madaxtinimo iyo mansab! wuxuu weydiiyey xaaskiisa iyo carruurtiisa ma ka tagnaa mise waan qaadnaa? kulligood waxay dhaheen Alla! aabbow qaad madaxtinimada iyo sarreynta waxaan ku awoodnaa inaan wax walbo samayno wixii aan rabnana aan helnee! wuu soo qaaday.
Gaarigii wuu socday si uu safarkiisa u sii wato sidaas oo kale wuxuu jidka ku soo marayey niman kale oo ahaa waxyaabaha kala duwan ee ay naftu jeceshahay oo macaan illaa uu markii dambe soo maray qof taagan jidka wuxuuna ku yiri aabbihii adiga waa kuma? wuxuu yiri aniga Diintii Islaamka ayaan ahay ! aabbihii xaaskii iyo carruurtii waxay af buuxo kuwada yiraahdeen hadda ma ahan inaan qaadno waayo diintu waxay naga xarrimaysaa macmacaanka, waxay na amraysaa ammaro badan oo waqtigan la jaan qaadi karin waxay naga reebaysaa horumarka adduunka waana ku dhibtoonaynaa, laakiin waxaan isku dayeynaa inaan dib kuugu soo noqonno markaan soo raaxaysanno kadib. weyna ka tageen oo ma aysan soo qaadin.
Baabuurkii wuu socday si uu safarkiisa u sii wato si kado ah waxay la kulmeen meelaha baabuurta lagu baaro oo ay ku qoran tahay Joogso waxay arkeen nin meesha taagan oo farta ku soo fiiqaya aabbaha lehna soo dag, wuxuuna ku yiri adiga oo keli ah safarkaagii waa uu dhammaaday waana inaad soo degtaa oo aad iraacdaa, aabbihii waa uu yaabay hadalna waa uu ka soo bixi kari waayey! ninkii wuxuu ku yiri aabbaha aniga diinta ayaan baaraa qofka ee diin ma waddaa? aabbihii wuxuu yiri maya! laakiin meel dhaw ayaan uga soo tegay ee idhaaf aan noqdo oo soo qaadee! wuxuu yiri noqosho ma leh safarkaagiina inta ayuu ku eg yahay! aabbihii wuxuu yiri laakiin waxaan wadaa Xoolihii, Madaxtinamadi,, Mansabkii, Carruutii iyo Xaaskii iyo…. iyo …. wuxuu ku yiri waxaas oo dhan waxba kuuma tarayaan, dhammaantoodna inta ayaad uga haraysaa! waxaa un ku anfaci lahaa kii aad dariiqa uga soo tagtay ee diinta mana wadatid.
Aabihii oo yaabban ayaa wuxuu ku yiri oo adiga yaawaaye? ninkii wuxuu yiri aniga malakul mowt ayaan ahay oo aad illowday xisaabtana aadan ku darsan.
Aabihii wuxuu dib u fiiriyey baabuurkii wuxuuna arkay xaaskiisii oo booskisii fuushay baabuurkiina dhaqaajinayso iyadoo u saaran yihiin awlaaddii, xoolihii madaxtinimadii iyo macmacaankii kale qof kale oo ka degay baabuurka ma jirin.
قال تعالي: قُلْ إِن كَانَ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُم مِّنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّىٰ يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ (24). سورة التوبة.
Alle wuxuu yiri haddii aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiina, qaraabadiinna, xoolaha aad shaqeysateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan in uu idinka kala daato iyo guryo quruxsan oo aad degggan tihiin aad ka jeclaateen alle & rasuulkiisa iyo inaad jidka alle ku jihaaddaan, suga illaa uu idiin kaga yimaado amarka alle -geerida-, alle ma hanuuniniyo qolo faasiqiin ah – oo sidaas xaalkoodu uu yahay -.
فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ (34) سورة الأعراف.
Marka ay geeridooda timaado hal saac lama dib dhigayo lagamana hormarinayo.
كل نفس ذائقة الموت. كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ. آل عمران185.
Naf kasta way dhiman, wixii ay shaqeysatayna wey heli, qofkii naarta ka badbaado oo janno gala unbaa guulaystay, Nolosha adduunka waa kedo ee iska jira!
Waalaal Ninkaas fursaddii wey dhaaftay ee adigu yeysan ku dhaafin!!
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.