Home Afsomali Faallo :  Ninba Tacabkii Tooyooy Kaa Maal faalo uu qorey Yaasiin feytin

Faallo :  Ninba Tacabkii Tooyooy Kaa Maal faalo uu qorey Yaasiin feytin

faalo

Hore ayaa loo yidhi dadku waxay u qaybsamaan talo keen iyo talo raac

taasoo macnaheedu yahay in dadka alle abuuray ay ku kala duwan yihiin

caqliga ,aragtida ,muuqaalka ,fiirada ,fekerka iyo weliba waxyaabo

badan taasina ay tahay xikmad alle.

Horena Somali waatii murtideeda ku sheegtay oo tidhi  ragu sadex waa

iskaga mid sadexna waa ku kala tagaan  “ sadexda ay iskaga midka

yihiina waa :

A-magaca

B-muuqa

C- dhalashada ,oo habeenka uu dhasho oo la yiraahdo wiil ayaa dhashay

Sadexna waa ku kala tagaa oo waa :

A-deeqda

B-dagaalka

C- dooda ( aftahanimada )

 

Lixdaa waxyaabood ayaa waxaa kasii baxa murti faracyo badan leh oo

midkastaaba ay kusoo arooraan faracyo ku dhan xubnaha lixda qodob oo

ka hadlaya sida aqriste aad adiguba ka dheehan karto

 

Hadaba aniga oo ka tixraacaya sidii aad horeba iiga barateen sheeko

murti xambarsan ayaan gogol uga dhigaa hadalkee , waqti hore ayaa nin

hogaamiye u ah qowmiyad ama qabiil ayaa deegaankii beeshiisu deganayd

waxaa ka dhacay  neef xoolo ah oo weliba kuwa geesalayda loo yaqaano

sida adhiga ah ayaa waxay madaxa la gashay aashuun biyood ay ka

raadinaysay biyo iyadoo xiliguna oomane uu ahaa dadkuna ay ahaayeen

dad xoolo dhaqato ah neefkii adhiga ahaa ayaa loogu yeeray

hogaamiyihii markaas beesha u talinayey oo lagu yiri ka tali markasuu

yiri ri,da qoorta ka jara qoortii markii laga jarayna madaxii oo geeso

leh ayaa aashuunkii ku haray markasaa hadana la weydiiyey oo la yiri

hogaamiye madaxii neefka oo geeso leh ayaa aashuunkii ku haray ee

maxaan samaynaa markaasuu yiri aashuunkana jebiya .

 

Markaasay aashuunkiina jebiyeen ,kolkaas ayaa reerkii neefkiina laga

dilay ,aashuunkiina laga jebiyey ayaa la yiri hogaamiye reerkii

aashuun la,aan iyo neef la,aan ayaa ku dhacdaye maxaan samaynaa

,hogaamiyihii ayaa dadkii ku canaantay oo weliba su,aashii laga

waydiiyey arintaasi aad uga xanaaqay isagoo isla saxsan

 

Mudo ayaamo ku eg markuu xanaaqsanaa ayaa maalintii dambe dadkii

gurigiisa isa soo hor tubeen isagoo xanaaqiisii qiil ka dhigaya ayuu

dadkii la hadlay oo ku calaacalay waxaan aad ula yaabanahay markaan

dhinto cida idin xukumi doonta “  waxaan kale oo la yaabanahay ninka

iga wanaagsan ee iga xukunka fiican aad xukunka u dhiiban doontaan.

 

Hadaba murtida sheekadu waa talo xumaanta iyo aragti gaabnaanta laga

dhex helo  dadka “ oo waataan hore u sheegay in qof kastaaba alle

siiyey hibo u gaar ah oo uu meel ku fiican yahay taasina ay ku tusayso

in qofku meesha uu ku fiican yahay loo diro laakiin hadii qofka meel

uusan ku fiicnayan loo diro waa sida aashuunkaas iyo neefkaas loogu

talo xumooday , ee ka tab dhaha  sow markaas talo xumaanta hogaamiyaha

beeshaas ama qoyskaas ku dhici mayso dib u dhac talo xumo keentay

,hadiise talo qabeen beesha hogaamiye looga dhigo sow horumar gaadhi

mayso “ hadalka murtidiisuna waa ninba tacabkii tooyooy kaa maal “

 

 

W/Q  Yaasiin Maxamed Cali ( Yaasiin Faytin )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.