Home Afsomali Faalo uu qorey Daud Ibrahim ( Haysom Cayrintiisii casharada laga barankaro, Fursadaha...

Faalo uu qorey Daud Ibrahim ( Haysom Cayrintiisii casharada laga barankaro, Fursadaha aburmaya markuu tago kaddib iyo khataraha imaakara gadaashiisba )

Runtii Noloshu kamasoo harto iskuday iyo qaadashada khataro miisaaaman. Madaxda Sare ee Dowladda Somalia waxay qaateen go’an aad u weyn oo runtii laga barankaro casharro waaweyn. Bal aan 10 kaan qoqob kusoo koobo waxa iiga baxay aniga;
1.       Burinta ama cayrinta Mr haysom wuxuu ahaa GO’AAN KII UGU WEYNAA ee ay Dowlad Somaliyeed qaadatto ilaa iyo burburkii kaddib. Waxaa ku heeraarsanaa khataro waaweyn oo runtii ay adagtahay in madax badani ku dhiirrato. Khatarahaas ay madadxu u bareereen waxaa ugu muhiimsanaa;
–          In lagadiido waddankuna qalalaaso galo, amnigu sii xumaado islamarkaana jahwareer iyo fowdo bilaabato.
–          Suurtagalnimada in madaxdu ay weyso kuraastooda – Hadda ama mustaqbalka dhowba oo ay qolyahaan beesha caalamka layiraahdo ay saameyn weyn kuyeeshaan arrinkaas.
2.       Arrinkaan wuxuu ahaa iskuday ay kujirto GEESINIMO aad u weyn. Halkaan waxaa laga barankaraa in noloshu aysan kasooharin qaadashada go’an wata geesinimo gaar ahaan markaad tag darantahay oo aadan isbideyn murqo waaweyn.
3.       Arrinkaan wuxuu dharbaaxo kuyahay qofkasta, maamulkasta iyo cidkasta oo dowladda ugasoo horjeesattay goanka ay kaqaateen Mr Haysom. Dadkeenu wa iney kalagartaan kalana saaraan arrinku markuu yahay dhexdeena iyo markuu kusaabsanyahay arrimo taabanay madaxbanaanida, ajaanibta dalka joogta islamarkaana kamidoobaan markii ay arrimahaas danbe yimaadaan oo dowladda looga danbeeyaa. Madaxda dalka si kasto oo aadan ku ra’yi ahayn waa hogaankii dalka hasytay shariciyadda maamulka dalka. Waa inaanan dhagaysanaa gaar ahaan marka ay timaado arrimaha noocaan oo kale ah, waa inaad sugnaa oo ugu yaraan haddaanan taagereyn aan ka aamusna.
4.       Dadka ku dhintay baydhabo aad baan uga xumahay marna raalli kama ihi. Qaabka loomaray xarigga Mukhtaar sax ilama ahayn laakin sheekadan Baydhabo iyo Mr Haysom naftiisaba waa kaweyntahay. Fadlan aad u dhuuxa waraaqda Mr Haysom qoray. Arrinku wuxuu ahaa imtaxaan kooban (test) oo kusaleysnaa fahansanaanta madaxbanaanida dowladeed iyo garashada xuduudaha ajaanibta cidii ay rabaan ha ushaqeeyeene. Marka Madaxda sare ee dowladdu way fahmeen xilli ku habboonaa, goan ku habboonna waa kaqaateen. Sidaa darted bilowga iyo dhamaadka dowladnimadu waxay tahay inaad garaneysid aadna aaminsantahay awoodda dowladnimada islamarkaana aad waxna diidi kartid kuwa kalena qaadankartid. Ayadoo arrinku saa yahay ayaa haddana goan kaan xoojinayaa dowladnimada Somaliyeed oo sualo badan saarnaayen gaar ahaan inaan qaadan karto goammo noocaas ah.
5.       Qaadashada go’an ka halista ah waxaa kaloo kasiiweyn inaad iskukalsoonaato islamarkaana aad ku’adkeysatto oo adan badalin culeys dartiis. Waxaan lasoconnaa in madxada sare ee dalka illaa 3dex jeer uu soowacay xogyaha guud ee qaramda midoobay islamarkaana uu iskudayay inuu ku qanciyo in dawladdu baddasho mowqifkeeda ku’aaddan Mr Hayson balse aad ayay ugu adkeysteen goankoodii. Waa arrin mudan ladarso waxna lagabarto. Inaad goan qaadatid waxaa kaweyn inaad ku adkeysatid gaar ahaan marka howshu heerkaan taagantahay.
6.       Waxaa ayana cajiib ahayd xilliga u goanka dowladdu kusoobeegmay. Waa sanad cusub maalinkiisii 1aad, wa maalin hay’adaha addunku fasax yihin shaqaalaha iyo madaxdoodan ay damaashaad kujiraan iyo dabaaldegyo, waa maalin xaruntii UN ka ee Xalane ee Moqdisho hub waaweyn lagu riday kaasoo geystay khasaare ballaaran oo ay u baahnayeen in ugu yaraan lalaxanuusado oo loo tacsiyadeeyo, waa xilli madaxda sare ay wajahayaan culeysyo kaga imaanaya gudaha dalka haddey tahay dhanka mucaaradka, kan maamulgoboleedyada iyo kan cadowga dalka ee Shabaabba. Waa wakhti ay adagtahay in madaxdu qaadato goan noocaas ah. Waxaase muuqatay iney maalmo kaseexan waayeen arrinkaas dhegna aysan udhigin waxyaalaha kale ee jiray. Arrinkaan wuxuu kutusayaa arrinka layiraahdo mudnaansiinta (prioritization) shaqooyinka. Waxay kutusineysaa in sheyga muhiimka aah degdeggana ah u mudan yahay in wakhti lasiiyo laganshaqeeyo halka kuwa kale dib loodhigto.
7.       Inkasta oo ay Madaxda dalka iyo shacakuba soo dhaweynayaan in la aqabalay cayrintii Mr hayson islamarkaana lagu farxayo haddana waxaa mudan in aad looga fakaro maxaa kuxigi kara – Khataro iyo furdaba; Kuwaan ayaa ubaahan in aad loo falanqeeyo khuburo loosaaro. Arrinkaan waxaa weeye maraxaladdii ama kalabeyrkii isbaddalka wadashaqeynta UN ka iyo Dowladda Soomaliya (The turning point). Marka waa in laysweydiiyaa diyaar ma u nahay inaan ka faaideysano fursdahaas, khatarahana ma u diyaargarownay sidaan uga gaashaaman lahayn.
8.       Aniga waxaa ii muuqata mar inuu arrinkaan yahay fursad u baahan in dowladdu aysan dayicin oo aad uga faaiideysato lashaqeynta hay’adaha UN ka hadda kaddib. Khaladkaan uu sameeyay Mr Hayson hadda waxaa fahmay oo katashtay waa madaxda sare ee dalka go’aanna kagaaray. Waxaa loobahanyahay wasiirrada iyo Agaasime yaasha dowladdana iney sidaad oo kale garashadaas la imaan karaan. Marka waa fursad ay dowladdu kulasii xisaabtami karto Hay’adaha UN ka ah oo lagayaabo iney soodabcaan hadda kaddib, diyaarna u noqdaan wadashaeyn dhab ah iyo islaxisaabtan si loo hormariyo dalka maadama ay ayagu dhaqaalihii dalka badankiisa hayaan. Marka suashu waxay tahay xafiisyada/wasaaradaha kaladuwan ee dowladdu kuligood mayihin kuwo kartidaas iyo capacitigaas loobaahnaa leh oo dadkaas laxisaabtama islamarkaana hoggaamin kara kana faaideeysta fursadahaas.
9.       Waraaqda Mr Haysom cayrintiisa lagu aqbalay waxaa kamuuqda biseyl diplomaasiyadeed oo aad u weyn oo kaooban inay kaxumadeen ficilka dowladda balse aqbaleen, Sixid kusaabsan shuruucda caalmaka dhigatay iyo cidda ay tahay in lagu fuliyo iyo amaan ballaaran oo lojeediyay Ergeygii lacayriyay. Waraaqda waxaa kamuuqatta in hadalku uusan dhammeystirneen oo wax laabanyihin balse laga maarmay biseylkaas diploomaasiyadda dartiis in halkaas lagu qoro oo lashaaciyo. Sidaa darted dowladda iyo madaxda sare waxaa laga rabaa inay aad u feejignaadaan sidhowna ulasocdaan diyaarna u ahaadaan waxkasta oo aan hadda noo muuqan balse imaankara.
10.   Ugu danbeyntii Madaxda sare waxaan leeyahay mar haddii ay idiinmartay ogaada maalinkasta Arbaco (iid) manoqon doonto. Runtii aad iyo aad ayaad nasiib badantihin. Waayadaan danbe waxaad qaadaneyseen khataro waaweyn oo ay dhibaatooyin badan ka imaan karaan sida arrinkaanba, sidaa darted anigu waxaan idinkula talinlahaa
–          U diyaar garooba haraatiyo badan iyo isku adkeys horleh oo kayimaada beesha caalamka ah iyo kuwa aad hadda kaxanaajiseen;
–          Aayarsada oo bal weerarka badan and qaadashada khataraha badan yareeya markaan;
–          Siyaasiyiinta Soomalida ah ee aad aadka u caburiseena inteysan sheekaadu Baraka maleh gaarin kalafurfura oo qaybtooda dabacsan wax u ogalaada;
– Midinamadiina dhexdiina ah ilaaliya waa tan aad maantay halkaa ku gaarteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.