Home Afsomali Faaqidaada heshiiskii lagu gaaray Muqdisho: Qodob toos ula hadlaya Farmaajo? Qodob ka...

Faaqidaada heshiiskii lagu gaaray Muqdisho: Qodob toos ula hadlaya Farmaajo? Qodob ka hadlaya Saadaq JOON? Qodob muujinaya xil ka qaadista taliyayaasha? iyo qodobbo u baahan xaqiijin dheeri ah?

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo. Reer Muqdisho nabad iyo horumar ayaan u rajeynayaa inshaa’allah.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.