Home Afsomali Fadeexad Musuqmaasuq oo ku habsatay qaar ka mid ah masuuliyiinya garoonka Muqdisho

Fadeexad Musuqmaasuq oo ku habsatay qaar ka mid ah masuuliyiinya garoonka Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed ayaa wadda qorshe ay seddax shirkadood oo ugu xireyso inay qaadka keeni karaan magaalada Moqdisho iyo gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Qorshahaan ayaa waxaa si gaar ah u wata Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeye Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa lacag laaluush ah oo sharci darro ah ka qaatay seddaxdaan shirkadood, si ay u yeeshaan xuquuqda xamuulka iyo soo-dejinta qaadka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay tallaabada nuucaan ah qaadaan, laakiin waxaa la yaab leh, in la isticmaalay awoodda iyo saxiixa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo dalka ka maqan, weliba saxiixiisa waa la qalday, iyadoo aan saxiix ku-simana la isticmaalin.

Taasi waxay muujineysaa sida ay labadaan masuul isugu waafaqsan yihiin u awood-sheegashada shirkadaha kale ee yaryar gaarkana loo leeyahay kuwaasoo kalalka xamuulka wax ka lahaa.

Warar hoose ayaa sheegaya in seddaxdaan shirkadood Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star ay heshiis hoose la galeen Wasiir Maxamed Cabdullaahi iyo Yuusuf Jaalle, si kalalka xamuulka qaadka seddaxdooda loogu qeybiyo isla markaana meesha looga saaro shirkadaha kale, iyadoo loo maray hab ku-takrifal awood ah, oo aan sharci aheyn.

Warqad rasmi ah oo laga soo saaray labada xafiis ayaa lagula amray shirkadaha kale, inay u hogaansamaan amarkaan oo dhaqan-gelaya 1da bisha May ee nagu soo foolka leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.