Home Afsomali fadeexad Shaadooyinkii ay bixini jireen jaamadaha iskood isku magacaabay ee dalka oo...

fadeexad Shaadooyinkii ay bixini jireen jaamadaha iskood isku magacaabay ee dalka oo Been abuur Noqday iyo masuuliyiin loo xirxiray

xili ay milkiilayaasha iyo maamulada jaamacadaha dalka ka jiray ay macalimiin ka noqdaan kuwii ka soo qalin jabiyey isla markaana loo sheego in aan la adken karin su,aalaha lana ogolaan karin in ayday uu imtixaan ku dhaco ayaa hadana waxaa soo ifbaxaya qaladaad kale oo ku wajahan in aanay jirin cid aqoonsato shahaadooyinka ay bixinayaan in badan oo ka mid ah jaamacadaha ayaa soo iibsado shahaadooyin feeh ah

wararka jaamacadaha ayaa waxaa ka mid ahaa in ardaygu iisanba tagin safasalka ilaa inta laga gaarayo waqtiga shahaado bixinta oo uu la kowsado saaxiibo aanay ka dhaxay shasharo isla qaadasho iyo daruur ay isla dhageystaan  taasi oo yaab ku nota marka la siiyo qof iska maqnaa balse ay ku socotay qarashka jaamacada oo uu bil kasta bixinin jiray

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka Somalia ayaa waxaa soo wajahday fadeexad cusub oo la xiriirta iibsashada shahaadooyin been abuur ah oo looga sameeyey Jaamacadda Stafford oo ku taalla wadanka Ugandha.

Wargayska New Vision ee ka soo baxa dalka Ugadha ayaa qoray in xubno ka tirsan hay’adda dambi baarista dalkaas ay su’aalo weydiinayaan maamulka Jaamacadda Stafford oo lagu eedeeyay inay shahaadooyin been abuur ah Soomaaliya u soo direen.

Maamulka Jaamacadda la xiray waxaa lagu eedeeyay inay 79 shahaado oo been abuur ah u soo direen Soomaaliya ayagoo siiyay mas’uuliyiin wasiiro ay ku jiraan kuwaasoo loo sii marsiiyay Jaamacada Jobkey ee magaalada Muqdisho oo xiriir dhow la leh jaamacada Stafford sida wargeyska New Vision lagu qoray.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Jaamacadda la xiray ee Uganda ku taalla iyo tan Muqdisho ku taalla ayuu wargeysku qoray iney dhowr mar is dhaafsaday qoraalo la xiriira inay shahaadooyinkaas is dhaafsanayaan.

Tiradda iyo magacyadda wasiiradda iyo xildhibaanada Soomaalida ah ee shahaadooyinka been abuurka ah laga iibiyay laguma shaacin warka uu qoray wargeyska New Vision.

Maamulka Jaamacadda Jobkey ee Magaalada Muqdisho oo aan xiriir kala sameynay arintan si aanu xog dheeri ah uga helno ayaa ku gaabsaday iney War-saxaafadeed ka soo saari doonaan Saacadaha soo socda.

Qaar ka mid ah Masuuliiyiinta iyo shaqaalaha dowlada Somalia ayaa la aaminsan yahay iney shaqooyin darajooyin sare leh heleen iyagoo adeegsanaya shahaadooyin Jaamacadeed oo la been abuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.