Home Afsomali fadlan aqriso cabashada dadka Naafada ah

fadlan aqriso cabashada dadka Naafada ah

KACAANKA DADKA NAAFAADA
Waxaa gabagabo maraya sharciga hayada dadka naafada kaa oo ay soo an saxiyeen barlamanka golaha shacbigga. Sharciga waa mid ah hindise sharciyeed lagu dhisayo hayada madax banaan dadka naafada.

Sida sharciga u qornaay marka uu ka soo baxay golaha wasiirada waxaad moodaa in aysan aqrin. sababto waxaan filaya ineey tahay hoowlo kale ku mashquul sanayen taa u saamixi weysay in ay sharciga ka dhigan mid dadka naafada u adeegi kara.

Gabi ahaan sharcigan marna ma marin wadatashi iyo dhageeysi dad weeyne ku filan. Waxa ay soo diyargaryen ashqaas qaas oo wasarada ka HX katirsan iyo shaqsi sharciyaqan. Waana nuqul lagasoo minguuriye hayada qaxootiga qaranka.

Gudiga baarlamanka golaha shacka ma uusan u taxliilin waxaaad mooda wax qabyo ah oo aan ka turjumikarin magaca uu wato. Xildhibanada golaha shacbiga talooyin muhiim ah aya kasoo jeediyen sharciga hayada naafada.

Doorka dadka naafada ay ku lahan karan fulinta shaqo, sameynta qorshayasha iyo u madax bananeyta in dadka naafada iska soo xulan dad awood u leh in ay u qidmeeyaan. Iyo in wasiirada ay la tashi la yelato dadka naafada

Fikirka in la sameyo wax dadka naafada metelo waxaa uu ka yimid dadka naafada oo cabasho iyo codsi u gudbiye xukmada madax weyne shariif. Xukumada xasan shiiq iyo baarlamanka 9 oo la kulmeyn iyo xukumada Nabad iyo Nolol oo ay reysula wasaraha la kuleyn 25 qof naafada qeybaheda kala duwan metalo
Kulanka waxaa jogaay reysul wasare kheeyre, wasiir saalax iyo wasiir deeqo dadka naafada waxaa u gudbiye cabasho iyo dacwo ka dhan wasarada shaqada iyo shaqalah takoor iyo bahdilad xoogan oo ay ku,hayday inka badan 3 qofood ay ku shaqeyeo magacyo naafo oo aan naafo aheyn iyo iney hortagantahay dhismaha machadka naafada somaliyed

Reysul wasaare kheeyre oo xiligaa kujiray mashquul xogan dhanka baarlamanka waxaa uu maray in wasarada xaququl insanka iyo dadka naafada wax isla soo dhisan si dadka naafada loo caawiyo

Nasiib daro wasrada xaququl insanka waxaa sameye gudagashay dhismaha hayada madax banaan dadka naafada. Taa oo,soocatay 4 shaqsi oo aan dadka naafada soo xulan iney u matalan dhismaha iyo geedi dhismaha iyo geedi socodka sheciga iyo hayada

Wasarada xaquuqul insaanka waxaaxkale oo ay guda gashay sameynta komishinka oo isna dadka naafada aqoonta laha oo tartamay la waad ku dhacdeyn aqoon,iyo wayo aragnimo uma lahidiin. Waxana lakeyne shaqsi naafanimadisa shaki jjirto iyo aqoonta u lahan karo arimaha naafo

Marlabad qaladka wasaarada,waxaa uu ah in la ceeyriye shaqsi naafo wasaarada simutadawac nimo ugu shaqeynaye iyadoo la kenay shaqsi aan aqoon dheereyn oo contract UNDP loo abuuray isagoo ah lataliaya wasarada arimaha naafada xaquuqdood.

Waxaa ay aheeyd in uu aqoontiisa ku tafatiro sharciga naafada kaa oo aan isna arkin sharciga marka dadka naafada ay weeydiisteyn ukeney mid qaldan oo waxyabo is qilafsan ka hadlayo iyada oo dadka naafada ay soo bandhigeyn sharciga saxda baarlamnka horyiilay xiligaa halkaana lagu kalatagay

Agasimaha arimaha naafada madaxtooyada iyo lataliayaha wasaarada xaquuqul insaanka waa labo shaqi dadka araga l’a ama indholaha ah. Wexey ilobeyn in dad naafo aysan dooran oo ay yahiin shaqale dowladed. Xagaldacinta iyo marin habibin xogan ay ku hayan qadiyada naafada. waxana ay u muqdan ku danahadoa qaaska radinaya kana soo hayamay Qurbo.

Qabdhismedka hayada 5 qof oo ka imanayo 5 beelaha somaliyed iyo 10 fulin oo iyana ah howl fuliye sida ay ku imanayan ma xusno kaliya waxaa xusan in wasiirada soo magaacwdo golaha wasiirada la mariyo madaxweynaha ansaxiyo. Arinkan ma cado ma wasiirada ayaa dadka naafada taqaano misa cidey rabto ayaa jidka ka soo qabneysa.

Hayada waxaa ay soo dhiseysaa sharcuud dadka naafada iyo goalaha naafada qaranka arinkan dastuurka ayay qilafeysa. Waxaa sharci sameyn karaa wax dadka metelo oo ay dorteyn. Golaha naafada qaranka waa hayad shacab oo dadku doorteyn. Sidey aya u somagacabeysa hayad wa shacbi.

Qaabka dadka waxaa jiro qaab caalmi dadka naafada ay wax ku qeybsadan. Waana midka ugu habon. Qaabkaas waxaa dhowraya xaquuqda iyo doorka qeeybkasto dadka naafada ah.

Dadka naafada waxan u soo jeedinaya in ay si taxadarleh uga fiirsadan waxa socdo. Ay na ogadan in ay leyahiin xaquuq iyo miisaan xoogan. Inkastoo la xaqiro hadana ma ahan in ayaka ay xaqiran iska qataan waxkasto. Inskasto dadka ay kala aragti iyo fikir duwanyahin hadan masiirka naafada waa muqadas
Dowlada federaalka waxaan u soo jeedinayaa in ay ka fiirsato ficilka ay qadeyso. Dadka naafada waa qeeyb muhiim ah bulshada ka tirsan qiyasta 15% in ka badan marka lagu daro qoysaskooda waxa ay gaarayan 35% bulshada. Kuwaa oo ha madluun. Ku dhex dulman bulshada iyo hanaanka dowliga

Waxaan ku kalsonahay awooda ale oo xaq soo dahirindoonto.
Cafwan, Hadii ay jiran wax iga qaldan. Waad ku mahadsantahay aragtidaada
#kacaankadadkanaafada
#kacaankanaafada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.