Home Afsomali Falsafada መደመር iyo Hogaaminta Dr Abiy Ahmed Faalo uu qorey: Cabdirashiid Axmed...

Falsafada መደመር iyo Hogaaminta Dr Abiy Ahmed Faalo uu qorey: Cabdirashiid Axmed Guuleed

መደመር waa falsafada uu Dr Abiy Ahmed uu rabbo inuu Geeska Africa ku hogaamiyo. Ereyga macnihiisu marka Afsoomaali loo rogo waa “isugayn”. Haddaba muxuu Dr Abiy ereygan uga dan leeyahay? Dr Abiy wuxuu isla helay labada fursadeed ee kala ah inuu kasoo jeedo qoomiyadda Oromada oo ah qoomiyadda Itoobiya ugu weyn iyo dalkii mandaqada Geeska Afrika ugu weynaa.

Labadaa fursadood ayaa Dr Abiy siiyay kalsooni aad u badan oo hankiisa ka dhigtay inuu dhaafo Itoobiya oo uu damco inuu hogaamiye unoqdo Geeska Afrika iyo haday umartana inuu Afrika oo dhan iskuwada duba rito maadaama ay Addis Ababa tahay xaruntii ururka midawga Afrika.

Ilaa hadda falsafadda “isugaynta” ee Dr Abiy ayaad moodaa inay midho dhalayso. Siyaasadiisa arimaha gudaha ayaa si xawliya umidho dhashay oo waxaan odhan karaa marka laga reebo isku dhacyo qabiil oo dhawra oo markiiba ladejiyay mooyee wuu ku guulaystay inuu dalka ka hirgeliyo qorshayaashiisa kala duduwan.

Guushaa uu kasoo hooyay arrimaha gudaha ayaa dad badani ay layaaban yihiim sida dhakhsaha badan ee uu qorshihiisa umeel mariyay.

Hirgelinta qorshahiisa siyaasada debeda ayuu kaga bilaabay wadamada deriska ah isagoo dalkasta oo derisa intuu soo booqday dalkastaa siduu rabay usoo marxabaysiiyay. Maantana (08.07.18 kuna beegan tirsiga Itoobiya 01.11.2010) wuxuu joogaa dalka Eritriya oo uu cadawgii koowaad ee Itoobiya xukuumad ahaan uu ka dhigi rabo saaxiibkiisa koowaad. Taasna waxaad moodaa inuu guulweyn kasoo hoynayo marka laga eego xaga soo dhawaynta loo sameeyey.

Maraan saaka subaxdii yara furay bar ay Eritriya fb ku leeyihiin oo LIVE usoo galay waxaan la yaabay sida uu weriyuhu u cabirayo farxadda dadka dariiqyada tuban ee usoo baxay soo dhawaynta Dr ka iyo waftigiisa.

Labada dal waxay wadaagaan taariikh dheer iyo dhaqan ka dhaxeeya iyagoo inta badan dadka labada dal ay afka Amxaariga ku hadlaan. Waxa kaloon tusaale usoo qaadan karaa dhaqanka xaga beeraha siiba dalaga DEEFka loo yaqaano oo ay cunistiisa isku si uwada ciseeyaan. Waxa dhici karta in ay ku heshiiyaan inay isweydaarsadaan adeega dekeda Eritriya iyo dalaga DEEF ka oo ay Itoobiya qani ku tahay.

Wadooyinkii Addis Ababa ka baxayay ee toos ugelayay labada dekedood ee Asab iyo Musawac ayaa iyagana xaaladoodu aad ufiican tahay oo laga yaabaa dayactir yar keliya inay ubaahdaan.

Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa in Dr Abiy ay guuluhu si isdabajoogu ugu soo xaroonayaan. Taasina waxay sii siinaynaa kalsooni dheeraada oo uu kusii xoojiyo falsafadiisa “isugaynta”.

Markaa bulshooyinka Soomaaliyeed maxaa la gudboon? Bulshooyinka Somaliyed waxa la gudboon inay degdeg waxisaga weydiiyaan wixii kaga aadan falsafada “isugaynta”. Haddii xukuumadaha Soomaaliyeed ee kala duduwani oo uu oday uyahay ruug cadaaga Ismaaciil Cumar Geele ay degdeg qorshe midaysan uga yeelan waayaan sidii falsafadan loo waajihi lahaa waxa dhici karta in bulshooyinka Soomaaliyeed uu daadku qaado oo ay maalinba midi tiraahdo “Dr Abiyow ma ogtahay inaanu Oromo walaalo nahay oo aanu kasoo jeedno beel hebel, markaa walaalaynu nahaye sidaa nagu ogow oo noo sad buri”.

Sidaana uu isirka Soomaaliyeed khatar ku galo oo ay dadku Oromo uwada noqdaan. Oromo inaynu isu soo dhawaano layma diidin oo waa bulshada aynu adduunka isugu dhaw nahay, laakiin waxaan leeyahay sideena aynu isu ictiraafno ee yaanay dhicin in qolo qolada kale liqdo!!!.

 

Allaa Mahad Leh

Qalinkii. Cabdirashiid Axmed Guuleed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.