Home Afsomali Fanaan Cali Dhaanto oo kismaayo lagu sumeeyey iyo xaaladiisa oo liidato

Fanaan Cali Dhaanto oo kismaayo lagu sumeeyey iyo xaaladiisa oo liidato

Xaaladda Caafimaad ee Fanaan Cali dhaanto oo laga deyrinayo.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in xanuun deg deg ah soo wajahaday fanaanka Caanka ah ee Cali Bashiir “Cali Dhaanto ” oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee gobalka Jubad Hoose.

Fanaanka oo aad u liita ayaa hada lagu haayaa garoonka magaalada Kismaayo waxaana loo soo wadaa Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegayn saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo.

Qof ka mid ah Shaqaalaha Madaxtooyada Kismaayo iyo mid ka mid ah Dhaqaatiirta magaalada Kismaayo ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Cali dhaanto la sumeeyay kadib markii uu ka qayb galay casho sharaf kismaayo loogu sameeyay.

“Cali dhaanto xanuun deg deg ah ayaa soo wajahay markii uu ka qayb galay xaflad loogu sameeyay aqalka martida ee madaxtooyada kismaayo, waxaan u qaadnay Isbitaal ku yaala Kismaayo dhaqaatiirta Caafimaadka waxay noo sheegayn in Fanaanka la sumeeyay oo aysan waxba ka qaban loona baahan yahay in si deg deg ah loogu gudbiyo Isbitaalada Muqdisho” sidaasi waxaa noo sheegay qof ka mid ah shaqaalaha Aqalka martida ee magaalada Kismaayo.

Dad kala duwan oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay jirto wararka sheegaya in la sumeeyay Fanaanka oo ku sugnaa aqalka Martida ee kismaayo, xafladda soo dhaweynta ayaa la sheegay in ay abaabushay Madaxtooyada Kismaayo.

Maamulka Isbitaalka Daryeel iyo sidoo kale mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan xog intaan ka faah faahsan, Kismaayo waa meel aan dadkeedu hadlin waxayna qof kasta oo ka mid ah oo ay warbaahinta la xariirto ka cabsi qabaan xerag iyo dil in ay ku mutaystaan xogtii ay bixiyaan.

Ilo wareedyo ay Idaacadda kulmiye ku leedahay Kismaayo ayaa sheegaya in ay aad u liidato xaaladda fanaanka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda Muqdisho laga soo dejiyo.

La soco wixii ku soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.