Fanaanada Nasteexo Indho oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed islamarkaana dhawaan show ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa Maanta mudo dhowr Saacadood ah ku xayirneed Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Fanaanada ayaa ku sii jeeda Magaalada Dubia balse xiligii ay tagtay Garoonka ayaa waxaa xoogaa isfahamwaa uu soo kala dhexgalay Sarkaalad ka tirsan Ciidamada Booliiska Somaaliyeed ee ku sugan gudaha Garoonka kadib markii ay isku khilaafeen qeybta baaritaanka oo ay Nasteexo indho Mareysay in eeyaha waxbaara Qalabkeeda ay uriyaan .
Baarayaal iskuugu jire Ciidamada AMISOM askar Soomaali ah ayaa baaritaanada u adeegsada Eyda wax urisa kuwaas oo dadku qaati bilaahi ka taagan yihiin waxaana la wada ogsoon yahay in aydu halkii ay taabato 7 jeer la iska meyro oo weliba marka ugu danbeysa ciida lagu masaxo .
Mudo dhowr Saacadood ah ayay ku xayirneed gudaha Garoonka,waxa ayna ku sigatay in ay ka tagto Diyaarada Jubba Airweys oo ay ku qorneed in ay raacdo iyada DJ,Subeyr oo la socday,sida ay radio Dalsan u xaqiijiyeen Saraakiil ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.
Fanaanada naxteexo ayaa horey waxaa Magaalada Hargeysa in ay show ka dhigto ishortaag ku sameeeyey Maamulka Soomaaliland
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view