Gabadh curyaan ah oo u dhalatay dalka Faransiiska oo uu jiir cunay ayaa la sheegay in xaaladeeda caafimaad ay liidato.
Gabadhani ayaa la sheegay in Dooli uu ku soo xoomay qol ay ku jirtay waqooyi dalka Faransiiska.
Gabadhan oo 14 jir ah islamarkana ah naafo ayaa hurdaysay qeybta hoose ee dabaqa markaasi oo uu Dooliga soo weeraray.
Khabiir dhanka caafimaadka ah ayaa wakaalada wararka Faransiiska waxa ay ka soo xigatay in gabadhani ay qabto 45 dhaawac oo kaga yaalla gacmaha iyo lugaha.
Aabaha dhalay gabadhan ayaa dacwad ku soo oogaya milkiilaha uu guriga ka kiraystay oo uu ku eedeeyay dayacaad.
Aabahan ayaa waxa uu sheegay in uu arkay gabadhiisan naafada ah oo dhiig dhex jiifta Sabtidii aanu soo dhaafnay.
Waxa uu sheegay in markii habeenkii ay seexanayeen wax waliba ay fiicnaayeen ,islamarkana uu isaga seexday dbaqa sare ee dhismaha.
“Dhiig ayaa ka socday dhagaha,waxa aan ka baqayaa in maskaxda uu dhiig kaga furmo,waxaa sidaasi u ka soo xigatay wargayska Courrier-Picard aabahan dhalay gabdha.
Qaar ka mid ah faraha gabadhani ayaa la sheegay in dooliga uu goostay islamarkana aysan dhaqaatiirta qaliinka dib u habyn ku samayn Karin.
Qoyska gabadhani uu jiirka cunay ayaa imika u guuray guri kale islamarkana booliiska ayaa baaraya weerarkan.
Dhaqaatiirta ayaa baritaan ku sameeyay gabadhani lagu magacaabo Samantha si ay u eegaan suurtagalnimada in caabuq ay dhaawacyadeeda qaadi karaan.
In dooliga ama jiirka uu bina’aadamka weerar u gaysto ayaa ah mid naadir ah ,inkastoo marka dooliga uu gaajoodo uu cuno jirka.
Dalka India waxaa soconaya baaritaan lagu hayo Jiir ama Dooli lagu soo eedeeyay in uu Khamri cabbay kaddib markii uu ugu soo dhacay Bakhaaro lagu soo xiray Khamriga.
Taliyaha booliska magaalada Patna, Manu Maharaj, ayaa sheegay in kor meerayaal boolis ah u sheegeen maalintii Taladaada in khamrigii saldhigyada booliska lagu soo xareeyey badankiisii uu Jiir cabbay.
Waxaa uu intaa ku darray taliyaha booliiska in uu socdo baaritaan lagu hubsanayo wixii ka run ah eeddan Jiirka loo soo jeediyey.
Markii uu soo baxay hadalkan ayeey askar booliis ah shegeen in Jiir Khamrigii la soo qabtay cabbay, waxaana in ka badan 1000 saldhig oo ku yaal gobolka amar lagu siiyay in ay si joogta ah u kormeeraan Khamriga la soo qabtay ee saldhigyada yaala oo ay ka celiyaan Jiirka la sheegay in uu cabbayo.
Taliye Maharaj ayaa wargeyska Hindu u sheegay in sidoo kale askarta booliska ah laftirkooda la hubsan doono in ay iyagu khamrigaa cabaan iyo in kale.
Isaga oo yiri ” hadii lagu helo in ay iyagu khamriga xadaan oo ay cabbaan in shaqada laga eryi doono islamarkaana lagu qaadi doono xeerka adag ee ka hor tagga mukhaadaraadka”.
Waa laga yabaa in aadan rumeysan in Jiir la soo dacweyn karo islamarkaana la baaro eedeymaha loo heysto, laakiin arintan waxaa ay ka dhacday dalka India.