Home Afsomali Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xiisad ama Xukun!

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xiisad ama Xukun!

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa billaabay Qorshe ay ku hor istaagayaan Doorashada, iyadoo taas badalkeeda billaabay duulaan ay ku qaadaan RW Rooble kaddib markii uu socon waayey boobkii ay muddada dheer qorshaynayeen ee ku aaddan Doorashada.

Dib u milicsi qorshayaashii ay ku fashilmeen hirgelintooda Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

1. Qorshaha koowaad ee xukunka Farmaajo oo ku saleysan boob ayaa ahaa qabashada doorasho Qof iyo Cod ah.

Sida ay la socdaan Dadka Soomaaliyeed madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2017-kii waxa uu Juhdi, Dhaqaale iyo Muruqba ku bixiyay si uu xukunka usii haysan lahaa waqti dheer taas oo keentay in ay foodda is daraan Siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Qorshaha doorashada ee Qof iyo Cod ka ah ee Farmaajo gadaal ka riixayay ayaa looga gol lahaa in lagu dhimo Awoodda Madaxda Dowlad Goboleedyada, Sidoo kalena lagu kala diro Asxaabta siyaasadda ee dalka taas oo ay si adag markii uga soo horjeesteen madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaraadka ah socon weysay.

Ugu danbeyn qorshahaan waxa ka horyimid RW hore ee Dalka Xasan Cali Kheyre waxa ayna sababtay in uu xilkiisa ku waayo wallow uu fashilyey qorshihii muddada dheer u qarsanaa Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.

2. Qorshaha labaad ee Fahad iyo Farmaajo ee ku dhisan xukunka boobka ah ayaa ahaa Doorasho dadban.

Kaddib fashilin ku timid Istaaraatiijiyadii hore Fahad iyo Farmaajo oo muddadi xilheynta ahayd ka dhammaatay ayaa mar kale bilaabay isku day ay ku doonayaan in kula wareegaan maamulka doorashada dadban.

Waxaa la magacaabay RW Rooble xilli la rabay in Raysal wasaaraha uusan tallo ku yeelan nooca doorashada iyo hannaankeeda intaba, iyadoo ujeedka ugu weyn uu ahaa in ay dhisaan guddiyo doorasho oo ay aqlabiyadooda iyaga leeyihiin.

3. Qorshahii Saddexaad ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ee ku dhisan xukunka boobka ah waxa uu ahaa Muddo Korarsi.

Tani waa midii ugu weyneed oo ay aaminsanayeen Farmaajo iyo Fahad in ay u meel mari karto balse waxaa fashiliyey oo hor istaagay Ciidanka Badbaado Qaran oo garab ka helaya Midowga Musharraxiinta.

Waxaa sidoo kale mar danbe oo dhiig daatay xaaladduna aad u xumaatay garabka Farmajo ka baxay qaar ka mid ah dowlad goboleedyo awalba horay u taageeray muddo korarsigaas taas oo dhabar jab ku noqotay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Ugu danbeyn dagaal iyo dhiig daadin ka dhalatay muddo korarsigaas kaddib Farmaajo ayaa go’aansaday in uu arrimaha doorashada ee dalka u gacan geliyo RW Rooble.

markale ayay badaleen Qorshahooda waxeeyna go’aansadeen muddo kordhintii April ee dhiigu ku daatay taas oo iyana fashilantay ka dib dagaalkii Muqdisho ee keenay Go’aankii Dawlad-goboleedyada iyo Ra’iisulwasaare Rooble ku diideen muddo kororsiga ugu danbaynna talada doorashada u gacangalisay Raysalwasaaraha.

4. Qorshahii afaraad ee Farmaajo iyo Fahad ee ku dhisan xukunka boobka ayaa ahaa Gacanta RW Rooble.

Markii ay Fahad iyo Farmaajo ogaadeen in uu xukunka doorashada ka baxay gacantooda waxa ay awooddooda isugu geeyeen sidii ay afkaartooda y dhex marsiisan lahayeen Raysalwasaare Rooble oo nooc kasta oo cadaadis ah lagu saaray, Si uu u ogolaado fulinta Ajandahooda balse taasi marna ma suurta gelin iyaguna kama tanaasulin.

5. Qorshihii shanaaad ee Farmaajo iyo Fahad ee ku dhisan Xukunka boobka ah ayaa ahaa dagaalkii lagu qaaday RW Rooble.

Kaddib markii ay Farmaajo iyo Fahad ogaadeen in aan RW. Rooble fulinaynin Ajendayaashooda waxeey go’aansadeen in ay ku qaadaan dagaal toos ah, dagaalkaas oo qaatay ku dhawaad labo bilood wuxuu galaaftay xilalkii fahad yaasiin iyo Xasan Xundubeey balse ugu danbayn waxaa laga gaaray heshiis aanay daacad ka ahayn Farmaajo iyo Fahad oo aargudasho doon ah balse ay ku qasbanaa in ay qaataan heshiiskaan.

6. Qorshihii Lixaad ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ee ku dhisan xukunka boobka ah waxa uu ahaa Wajiga labaad ee dagaalka RW Rooble oo hadda taagan.

Hadda waxaa bilaw ah dagaal cusub oo Farmaajo iyo Fahad ay ku doonayaan in ay ku fashiliyaan Doorashada Dalka, ku abuuraan khalalaase Amni iyo mid siyaasadeed, kuna Fashiliyaan dedaalka RE Rooble ee ah qabashada Doorasho aan ku salaysnayn naqshadayntii labadaan shaqsi.

Dagaal cusub ayaa salka ku haya kaddib markii:-

1- Farmaajo iyo Fahad ay ku fashilmeen damacoodii ahaa in kuraasta Reer Woqooyiga iyo Banaadiriga loo boobo.

2- Markii ay u socon weyeen in Guddiyada heer Qaran ay marsiistaan kuraas laga soo boobay Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

3- Markii ay Farmaajo iyo Fahad ay joojin waayeen tallaabadii uu RW Rooble ka qaaday xubno ka mid ah Guddiga xalinta Khilaafadka.

4- Markii uu fashilmeen damac ay ku doonayeen Farmaajo iyo Fahad in ay Guddiyada FEIT iyo SEIT uga horkeenaan R Rooble kuna hakiyaan Doorashada Dalka.

7. Qorsihii Todobaad ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ee ku dhisan xukunka boobla ah ayaa ah dagaalka wajiga saddexaad ee RW Rooble.

Farmaajo iyo Fahad ayaa hadda isku diyaarinaya dagaal waji cusub ah oo ay doonayaan In ay ku qaadaan RW Rooble kaddib markii ay hubsadeen in:-

1- RW Rooble uu doorashada ka leexiyay waddadii ay rabeen.

2- in Guddiyada Doorashooyinku aanay iyaga ka amarqaadanaynin.

3- in Kursi kasta oo la boobo aanu soconaynin.

4- in Xildhibaanada soo baxaya aysan ahayn kuwii ay rabeen.

5- in waxkasta oo ay isku dayeen si ay RW Rooble u mariyaan Qorshahoodii uu shaqayn waayey.

Farmaajo iyo Fahad waxa ay hadda xooga saaraayaan in la dacaayadeeyo RW Rooble iyagoo billabay:-

1- Faafinta dacaayado la rabo in lagu sumcad dilo RW Rooble, Si shacabka looga horkeeno.

2- Abuurida qal qal amni iyadoo loo isticmaalayo ciidamo laga keenay waddanka Eretrea.

Arrimahaan oo dhan waxa ay salka ku hayaan sida Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay u doonayaan in la istaajiyo doorashada dalka ka socota maadama iyagu aysan ugu jirin wax dan ah.

Ugu danbeyn, Ummada Soomaaliyeed waxa u furan in la barbar istaago RW Rooble, Si uu u dhammaystiro Doorashada isla markaana uga difaaco F&F, Si looga baaqsado burbur ku yimaada Dawladnimada Curdunka ah.

Maxay kula tahay adiga? Aragtidaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.